Liverpool Oo Iska Xaadirisay 16-ka, PSG Oo Lagu Dhegay & Man City Oo Xasuuq Kale Geysatay

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska xaadirisay wareegga 16ka tartanka Champions League, kaddib guul 2-0 ah oo ay ka gaadhay toban ciyaartoy oo Atletico Madrid ah oo marti ku ahaa Anfield.Liverpool ayaa u awood sheegatay Atletico Madrid, laba gool oo aanu waqti badan u dhaxayna ka dhalisay 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, xilli gool kale oo saddexaadna ay VAR meesha ka saartay.

Diego Simeone ayay kooxdiisu usoo safartay iyadoo raadinaya aargoosi maadaama ciyaartii hore ee magaalada Madrid ay Reds kusoo badisay 3-2, hase yeeshee waxa mar kale  loo xambaariyey guul-darro kale iyo kaadh cas oo toos ah oo sidii kulankii hore oo kale lagaga saaray ciyaartoy muhiim ah.

Kubbad uu Trent Alexander-Arnold kasoo dhiibay dhinacamidig ayaa uu Diogo Jota ku qabtay madax awood badan oo uu hoggaanka ugu dhiibay Liverpool daqiiqaddii 13aad ee bilowga ciyaarta, taas oo goolhaye Jan Oblak uu waxba ka qaban kari waayey.

Atletico oo aan wali gagabkii iyo saskii ay ka qaadeen goolkaas ayaa waxay haddana arkeen kubadda oo dhex taalla shabaqooda oo goolkii labaad laga dhaliyey. Trent Alexander-Arnold ayaa kubbad usoo dhiibay Sadio Mane oo sii ordaya, waxaana uu weydaariyey goolhaye Oblak, isagoo ciyaartana ka dhigay 2-0.

Mohamed Salah ayaa ku dhowaaday inuu hoggaanka usii dheereeyo kooxdiisa, waxaana kubbad uu xeelad ku riday De Paul uu ku toogtay goolka hase yeeshee Oblak ayaa isku kala bixiyey oo dhaafiyey goolkiisa.

Atletico Madrid ayay ka burburtay rajadii ay ka qabeen inay ka daba iman karaan Liverpool kaddib kaadh cas oo toos ah oo loo taagay Felipe daqiiqaddii 36aad, waxaana lagu ciqaabay qalad uu ku galay Mane oo markii hore lagu siiyey kaadh digniin ah hase yeeshee loogu beddelay casaan maadaama uu iska diiday inuu u tago garsooraha oo saddex jeer u yeedhay.

Diogo Jota ayaa gool saddexaad u dhaliyey Liverpool bilowga qaybta labaad, hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa meesha ka saartay.

Luis Suarez ayaa kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray De Paul isla markaana uu soo taabtay Gimenez ku leexiyey goolka Liverpool oo dhex dhigay shabaqa, hase yeeshee VAR oo alga soo hubiyey ayaa kubaddaas ka diidday maadaama uu Gimenez ku jiray offside ka hor intii aanay kubaddu soo gaadhin.

Liverpool ayaa  ku dhowaatay inay hesho gool kale dhamaadkii ciyaarta, waxaase dedaal badan sameeyey Oblak, ciyaartuna waxay kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Liverpool oo iska xaadirisay wareegga 16-ka.

Liverpool waxay yeelatay 12 dhibcood halka FC Porto oo kusoo xigtaana ay haysato 5 dhibcood, Atletico Madrid ayaa saddexaad  u dhacday oo 4 dhibcood oo kaliya haysata, halka  AC Milan ay 1 dhibic ka heshay barbarrihii ay la gashay Porto.

Dhinaca kale, PSG ayaa barbarro niyad-jab ah lasoo gashay RB Leipzig oo ay ugu tagtay waddanka Jarmalka, waxaanay kusoo kala baxeen 2-2. RB Leipzig ayaa gool la hormartay qaybtii hore, kaddibna iska khasaarisay rikoodhe ay natiijada kaga dhigi lahayd  2-0, hase yeeshee Gini  Wijnaldum ayaa laba gool u dhaliyey PSG, ka hor  intii aanay Leipzig dib usoo noqon ee aanay la iman goolka labaad.

Manchester City oo 4-1 ku xasuuqday Club Brugge ayaa hoggaanka u qabatay Group-ka A, waxaanay haysataa sagaal dhibcood, halka PSG ay siddeed dhibcood ka urursatay afartii kulan ee ay dheeshay, iyadoo Club Brugge ay kaalinta saddexaad ku haysato afar dhibcood.