Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in aanay Aqbali Doonin Dhex-dhexaadin in ay ka gasho Muranka Badda

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud

Muqdisho (Aftahannews) – Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayna aqbali doonin dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud

Wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in Midowga Afrika ay soo saareen warqad aan iyaga weli soo gaadhin oo ku saabsan doorka uu midowga Afrika ka ciyaarayo sidii labada dal heshiis uga gaadhi lahaayeen muranka dhinaca badda.

Wasiirka, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda ICJ ay sanadkan gudihiisa ka gaadhi doonto kiiska badda ee dhexyaalla labada dal.

“Arrinta badda waa arrin taalla maxkamadda, umana furna Midowga Afrika, walaa cid kale inay dhex gasho, Soomaaliyana ma aqbalayso. Waxaan ku kalsoonnahay in ay maxkamaddu g’aan gaadho,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiirku in dowladda Soomaaliya ayn marnaba wax ka bedelidoonin mowqifkeedii ahaa in maxkamadda ICJ ay go’aan ka gaadho muranka badda.