Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Dhacdadii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Muqdisho (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kulan la qaatay saraakiisha hay’addaha Amniga ayaa ka hadlay dhacdadii maalintii shalay ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in dhacdadaasi ahayn mid aan la aqbali karin, tallaabo sharci ahna laga qaadayo dadkii ka danbeeyay, waxaana uu faray wasaaradda amniga in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo falkaas.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Maalintii shalay ayay ahayd markii gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu isku horimaad ku dhexmaray shaqaalaha waaxda socdalka garoonka iyo hay’adda nabad-sugida, waxaana iska horimaadkaa ka dhashay khasaare isugu jiray dhaawacyo iyo waliba burbur hantiyeed.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa faray hay’addaha Amniga in ay dardar galiyaan howlahooda sugida amniga, baadhitaan dhab ahna lagu sameeyo dhacdadii Garoonka Aadan Cadde.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.