Doon Ku Degtay Xeebaha Jabuuti iyo Dad ku Dhintay

DOON KU DEGTAY XEEBAHA DJIBOUTI.jpg
DOON KU DEGTAY XEEBAHA DJIBOUTI.jpg

Djibouti (Aftahannews) – Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay, halka 12 qof oo kalena la soo badbaadiyay, kadib markii xeebaha dalka Jabuuti ay ku qalibantay dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ahi, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM.

Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oo muhaajirin ah kuwaas oo ka soo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay IOM.

DOON KU DEGTAY XEEBAHA DJIBOUTI.jpg
DOON KU DEGTAY XEEBAHA DJIBOUTI.

Waxay ha’yadda intaas ku dartay in aan la ogeyn waxa sababay in doonta ay shilka gasho.

Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tobonaanka kun qof ee muhaajiriinta Afrikaanka ah ee galaya safar halis ah si u gaadhan waddamada Khaliijka.

Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii 20 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti kadib kooxaha wax tahriibiya ay 80 qof ka dajiyeen doonyo ay saarnaayeen dadkaas xilli ay marayeen badda Jabuuti.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Hargeysa/Somaliland