James Swan: Hoggaamiyayaasha Soomaalidu waa in Bisha Ramadaan uga faa’idaystaan dib u Heshiisiin iyo Midnimo

DANJIRE James Swan

Muqdisho (Aftahannews) – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa  hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed maadaama ay bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed in ay bishaan uga faa’idaystaan wadajirka, dulqaadka, iscafinta iyo dib u heshiisiinta, taas oo sidoo kale uu sheegay inuu rajeyneyno in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku hagidoonto midnimo.

DANJIRE James Swan
DANJIRE James Swan

Bisha Ramadaan ayaa dhalatay, iyadoo hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay si xooggan isugu khilaafsan yihiin doorashada, waxaana khilaafka sii huriyay kadib markii shalay barlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay sharci oggolaanaya in guddiga doorashada ee hoggaamiso Xaliimo Yarey la siiyo labo sano oo ay ku dalka ku gaadhsiiyaan doorasho xor ah.

Beesha caalamka weli kama hadlin go’aanka barlamaanka Soomaaliya, Balse waxay hore hoosta uga xarriiqeen in ayna taageeridoonin wax aan ka ahayn heshiiskii doorashada ee la gaadhay 17 ka September.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.