Puntland iyo Jubaland oo War ka soo saaray Muddo Kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Muqdisho (Aftahannews)- Qoraallo kooban oo ka soo kala baxay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayay kaga fal-celiyeen go’aankii muddo kororsiga ahaa ee xildhibaanada Goalah Shacabka Soomaaliya ay maanta u sameeyeen xukuumadda madaxweyne Farmaajo ee mudo xileedkeedu dhamaaday.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Qoraal ka soo baxay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo lagu daabacay twitterka madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in tallaabadii uu maanta qaatay baarlamanka Soomaaliya ee mudo xileedkiisu dhamaaday ay dib u celineyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaanay wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka,” ayaa lagu yidhi qoralka ka soo baxay maamulka Jubaland.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in Puntland ay aad uga xuntahay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada golaha shacabka, taas oo uu ku tilmaamay sharci darro.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maanta qaaday. Dowladda Puntland dib ayay Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay,” ayuu ku yidhi wasiir arrimaha gudaha Puntland qoraalkiisa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.