Muqdisho(aftahannews):- Golaha Midawga Musharrixiinta u taagan Madaxtinnimada Soomaaliya ee 2020/2021, ayaa si kulul u cambaareeyey Rasaas nool oo loo adeegsaday dad rayid ah oo bannaanbaxyo ka sameeyey magaalada Muqdisho Salaasadii maanta, waxaanay sheegeen inay Musharrixiintu qayb ka noqon doonaan muddaharaadyada Bulshadu bilawday.
War-saxaafadeed qoraal ah oo ay ka soo saareen Golaha Midawga Musharrixiinta madaxtinnimada Soomaaliya, waxay ku sheegeen in Dadka dhibaatooyinku ka soo gaadheen Rasaasta nool ee Askarta dowladdu u adeegsadeen Dadka rayidka ah ee aan hubaysnayn uu masuuliyaddooda qaadi doono Madaxweynaha federaalka Soomaaliya Md. Farmaajo.
Qoraalka ay soo saareen Midawga Musharrixiintu oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews oo ay Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladdiisa ku eedeeyeen inay diidan yihiin doorasho xor iyo xalaal ah iyo inay dadku aragtidooda muujin karaan ama hadli karaan, isla markaana lagu cabbudhinayo Shacabka, waxa uu u dhingnaa sidan hoos idiinka muuqata.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.