Shabakadda Netblocks oo Sheegtay in si ula-kac ah loo jaray khadka Internet-ka ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) — Shabakadda Netblocks oo ah koox u ololaysa arrimaha internetka, ayaa sheegtay in si ula kac ah loo jaray khadka Internet-ka ee Soomaaliya.

Shabakada ayaa sheegtay in xogta shabakadooda ay kaydiyeen ay ku ogaadeen in internet-ka laga jaray 10:30 subaxnimo xilliga Soomaaliya, iyadoo inta badan magaalada Muqdisho uu khadku ka maqnaa.

Joojinta internetka ayaa imanaya maalin uun kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kala noqdeen ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Netblocks ayaa sheegaya in falanqayn horudhac ah oo ay sameeyeen ay muujinayso in internetka la jaray isla markaasna go’itaanka internetka aanu ka dhalan shil, iyagoo tilmaamay in adeegga la jaray uu u muuqdo mid ula kac ah.”Dhacdadani waxay leedahay saameyn heer qaran ah, waxayna sidoo kale u muuqataa mid si ula kac ah u dhacday, maqnaanshiyaha internet ma aha dhacdo caalamka intiisa kale ka jirta, mana aha arrin ka dhalatay farsamo ama weerar dhanka internetka ah.”

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda ugu weyn adeegga isgaarsiinta Soomaaliya ee Hormuud,  ayaa maqnaanshiyaha internetka ka bixiyey sharaxaad ka duwan midda Netblocks iyagoona sheegay in xaaladdo ka dhashay dabaysha Badweynta Hindiya ay sababtay go’itaanka internetka.

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in qiimeyn ay sameyeen ay muujineyso in fiilada badda hoosteeda marta ay ku timid cilad kadib markii dabeylo ay ku dhufteen xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya, dabeyashaas oo ay shegeen inay waxyeelo u geysteen qalabka isgaadhsiinta ee badda hoosteeda mara.

Shirkadda Hormuud waxay intaas ku dartay in shaqaalaheeda dayactirka ay ka shaqeynayaan sidii loo soo celin lahaa adeegga internetka.

Wasiirka isgaarsiinta Somalia Cabdi Canshuur ayaa dhankiisa ka xaqiijiyey inuu maqan yahay qadkii internetka ee koonfurta iyo bartamaha Somalia, isagoona u sabab uga dhigay inay cilad soo wajahday

“Waxaa socda baadhitaan lagu ogaanayo halka ay ka timid cilada iyo waxa sababay, waxaana loo malaynaa in cable-lada badda soo mara ee internetka soo geliya Muqdisho ay ciladu ka timid, marka la ogaado cilada saameynteeda inta ay leegtahay kadib ayaa loo dhaqaaqi doonaa in la xaliyo” ayuu yidhi Wasiirka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxdan u ololeeya arrimaha internetka ee Netblocks ayaa sheegay in xogtooda ay muujineyso in tani ay tahay mid aan hore uga dhicin Soomaaliya, gaar ahaan muddooyinkan dambe.

Bishii Juun 2018, markab ganacsi ee nooca xamuulka qaada ayaa jaray fiilo-fiber-optic- ah ee badda hoosteeda mara, midkaas oo sababay in qeybo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ay ku dhacdo internet la’aan. Saraakiil xiligaas hadlay ayaa sheegay in khad la’aanta adeegga internet uu sababayey khasaare 10 milyan oo doolar maalintiiba.

Xayiraadda khadka internetka ma aha mid ku cusub Africa. Inta badan dalal ku yaala qaaradda Afrika, ayay mas’uuliyiin badan hore u hakiyeen adeegsiga internetka intii lagu guda jiray xaaladdo degdeg ah, mudaaharaadyo dowladdo looga soo horjeeday ama xiliyada ay socdaaan imtixaannadda qaran.

 

https://netblocks.org/reports/somalia-internet-shutdown-after-parliament-votes-to-remove-prime-minister-DA3lx6BW