Guddoomiyaha Astaan Cable oo Saaka la hor-geynayo Maxkamada gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha guud ee Astaan Cable Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed ayaa shalay loo soo wareejiyay xarunta Dambi-baadhis ee Hargeysa.

Guddoomiyaha Astaan oo ciidamada Sirdoonka Somaliland xidheen ayaa mudo sagaal cisho ku xidhnaa xabsiga Hargeysa.

Cabdiraxmaan Yuusuf, guddoomiyaha shirkadda Astaan ayaa la filayaa in Saaka oo Isniin ah la horgeeyo Maxkamada gobolka Maroodi Jeex, sida uu sheegay Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Jaamac Xuuto.

Sidoo kale, waxa loo ogolaaday shalay in ay booqdaan Ehelkiisa iyo saaxiibadii.

Xukuumadda Somaliland ayaa Ilaa iyo hadda ka hadal sababta loo xidhay guddoomiyaha Astaan Cable.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.