Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo soo bandhigtay hal arin oo Kheyre xilka looga qaaday

Muqdisho (Aftahannews) – Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, horena u soo noqotay wasiiradda arrimaha dibada Somalia, ayaa soo dhoweysay xil ka qaadista ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo shalay baarlamaanka uu codka kalsoonida kala noqday.

Foosiya Yuusuf ayaa sheegtay in Kheyre uu hortaagnaa islamarkaana caqabad ku ahaa doorasho qof iyo cod ah in Soomaaliya ka dhacdo, iyadoo tilmaamtay inuu doonayay in Soomaaliya dib loogu celiyo doorasho dadban.

“Marar badan oo aan dhageystay hadalka ra’iisal wasaare Kheyre waxaan ka dhadhansaday hadalkiisa inaanu ogoleyn in Soomaaliya doorasho dadweyne ka dhacdo, haddii uu hor istaago wixii shan sano aan usoo diyaar garooownay oo wakhti badan nooga lumay waan ku qanacsanahay in nalaga hor leexiyo,” ayay tidhi Xildhibaan Foosiya oo u warameysay idaacadda BBC.

Xildhibaan Foosiya ayaa sidoo kale ku eedeysay Kheyre inuu shaki geliyay kana soo horjeestay sharciga doorashooyiska oo labada aqal ee baarlamaanka ansixiyeen, aakhirkiina madaxweyne Farmaajo uu saxeexay.

Mas’uuliyadda dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada ayay dusha u saartay xukuumaddii Kheyre oo ay tilmaamtay in Kheyre uu xafiiska ku haystay sharciyadii loo baahnaa in la dhameystiro.