Madax-dhaqameedka Awdal oo taageeray in Doorashooyinku wakhtigooda ku dhacaan

Boorama (Aftahannews)- Xubno ka Mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ayaa Cadeeyay inay si buuxda u Taageersan yihiin in Doorashooyinka Isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo Wakiilladu ay ku dhacaan wakhtiga loogu talo galay iyagoo soo dhaweeyay Heshiiskii ay arrintaasi ka gaadheen Xisbiyadda qaranku.

Madax-dhaqameedkab oo warbaahinta kula hadlayay magaaladda Boorama ayaa tilmaamay in doorashooyinkani uu ku yimid dib u dhacyo badan isla markaana baahi weyn loo qabo sidii loo heli lahaa Golayaal cusub oo deegaan iyo Wakiillo oo ku yimaada codka rabitaanka bulshadda.

Waxay madax-dhaqameedkan gobolka Awdal iftiimiyeen inay diyaar u yihiin in doorashadu ka qabsoonto Goboladda Awdal iyo Salal iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin.

Madax-dhaqameedkan ayaa sheegay in arrinta Saami qaybsiga loo helo wakhti ku filan si tiro koob sugan oo lagu wada qanco looga fuliyo dhamaanba goboladda dalka.