Somaliland oo Saami ku lahayd Dhaqaale Caalamku soo mariyey Xukuumaddii Kheyre

Addis Ababa (Aftahannews)- Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ku sugan wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, kaasoo ujeedada socdaalkiisa la xidhiidho dhameystirka heshiis bishii June Addis Ababa ku dhex maray Wasiirka warfaafinta xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Wasaarada warfaafinta Somaliland.

Heshiiskaasi oo ku saabsan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa, islamarkaana loo abuurrí lahaa jawi sahlaya xidhiidh wanaagsan iyo isdhexgalka oo isku soo dhoweeya suxufiyiinta Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxaa xukuumadda Dowladda Federaalka u saxeexay Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” halka Somaliland uu u saxeexay Wasir ku xigeenka warfaafinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Waxaa kaloo heshiiskaasi qodobadiisa uu dhigayaa in si siman loo qeybsan lahaa dhaqaalaha beesha caalamka ay ku taageerto warbaahinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Xubno ka socday beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskaasi dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta xukuumaddii dhacday ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaase ka baaqday ka qeybgalka wajiga labaad ee dhameystirka heshiiskaasi oo xiligaan wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland uu u joogo Addis Ababa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.