Internetka oo ka go’an Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ah

Muqdisho (Aftahannews) — Magaalada Muqdisho iyo degaanno kale oo Soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa maanta ka go’an adeegga internetka.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegaya inuu khadka internetka uu ka maqan yahay Muqdisho iyo gobollo kale oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Adeegga internetka ayaa si caadi ah u shaqaynaya Puntland iyo degaanno kaleba.

Ilaa haatan ma cadda sababta ka dambaysa adeegga internetka ee maqan.

Farriin ay dirtay shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn ee bixisa adeegga internetka ayey ku sheegtay inay ka cudurdaaranayso hakadka ku yimid adeegga internetka, sida lagu sheegay farriintaasi.

Waxayna shirkaddu sheegtay inay rajaynayso in lagu xalliyo muddo kooban. Hase yeeshee shirkaddu ma sheegin sababta keentay hakadka adeegga Internetka.