XASUUS: “Ninka Masuulka ah ee ku taliya nabadgelyo-darro halla sameeyo oo Kursi baan rabaa Maslaxad uma hayo Ummadda..” Md. Daahir Rayaale

Hargeysa(AftahanNews):- Akhristayaasha sharafta leh ee Aftahannews halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Hadallo talo iyo waano isugu jira oo uu Madaxwaynihii hore Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin u soo jeediyay Xisbiyadii Mucaaridka ahaa wakhtigii uu isagu Somaliland hoggaaminayey, kuwaasoo ahaa Xisbiga talada dalka haya maanta ee KULMIYE iyo Xisbiga wali mucaaridka ah ee UCID.

Sidoo kale, Mudane Daahir Rayaale waxa uu talo u soo jeediyay labada aqal ee Barlamaanka Somaliland oo xilligii uu Madaxwayne Rayaale talada dalka hayay la safnaa Xisbiyada Mucaaridka. Talooyinka uu u soo jeediyay labada aqal iyo Xisbiyada oo dhammaantood isku bahaystay Xukuumaddii hore Madaxwayne Riyaale ayaa waxay ahayd September 13, 2009 oo ahayd maalintii Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo waagaa mucaarid xag-jir ah soo abaabulay dhalinyaro muddaharaad naf iyo maal lagu waayay samaysay.

Mudane Rayaale waxa uu u soo jeediyay Axsaabta iyo Shir-guddoonada labada Goleba wax wadahadal ku dhammaan kara inaan dagaal la gaadhsiin, waxaanu mar kale ku baaqay wada hadal bilaa shuruud ah inuu diyaar u yahay oo albaabbadiisu u furan yihiin cid kasta oo wax tabanaysa oo wadahadal diyaar u ah.

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu si adag uga digay inaan shacbiga Somaliland mar danbe hagar-daamo loo geysan, isla markaana aan lagu ridin tafaraaruq danbe oo kii lixdankii oo kale ah sida uu hadalka u dhigay, waxaanu sheegay mar danbe haddii lakala diro inaan fursad loo heli doonin in la isku soo celiyo, waxaana ka mid ahaa talooyinkii Madaxwayne Rayaale.

“Cadaw badan baan leenahay,dad badanbaa inaga faa’iidaysan doona,nabadan maanta aynu hayno wada dheer baa loo soo maray dhibaatooyin badana waa loo soo maraya. Haddii maanta ay inaga wiiqanto oo ay inaga furanto sida looga soo kabtaa aad bay u adkaanaysaa qiimo aan ku badalan karnaana ma jiro. Waa la isku qaban karaa siyaasadda iyo hadalka laakiin inaan wadahadalo wixii aan hadal ku dhamayn karno,inaan cunfi u adeegsano oo carruurteena lagu lu gooyo taa anigu waan ka talinayaa.” Sidaa ayuu wakhtigaa yidhi Madaxweynihii Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Waxaanu markaas intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Shacbi-weynahana waxaan leeyahay xisbi kasta oo naga mid ah codbay idinku leeyihiin dhiigiina inaad daadisaan maaha,shacbiweynaha waxaan leeyahay nina dhiigiina ha u daadinina,difaaca qaranimadeena uun baan dhiig u daadin karnaa, xantaxantaysiga xisbiyada ninkastiba ololihiisa siduu u sheegayo.”

“Ninka masuulka ah ee ku taliya nabadgelyo daro hala sameeyo oo kursibaan rabaa maslaxad uma hayo,ummada waxaanu leenahay inaanu u tartano warqad codka inay ku ridaan,waxaa laga hadlaa had iyo jeer madaxweynahaan doorasho doonayn,horta doorasho anigaa bilaabay waxaan idhi Somaliland doorashay ku iibsamaysaa, dibu dhaca doorashooyinka duruufaa keenay waxa la igu calaamadiyaa anigoo kaliya muran iyo khilaafyo badanbaa keenay. Anigu maalintii dhawayd waanigii idhi aynu toos u galo xisbiyadaa diiday.” ayuu yidhi Mudane Daahir Rayaale.

Halkan ka daawo Talooyinkii madaxwaynihii hore ee somaliland oo waaga dufaano mucaarid ku socdeen.

Maxamed Bashiir Nuur

Nuur_giriig1@hotmail.com

AftahanNews.com

Hargeysa/Somaliland.