Raii’sul-wasaare Khayre iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo Dhuusamareeb lagu Soo Dhaweeyey

Dhuusamareeb(Aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee Salaasada maanta gaadhay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad-goboleedka Galgmudug.

Ra’iisal-wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaaladda Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koofur-galbeed iyo Hirshabeelle.

Soo dhaweynta Ra’iisul-wasaaraha waxaa ka qayb qaaday Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya. Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu uga qayb gali doonaa waji 2 aad ee shirka Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

Xasan Cali Kheyre, ayaa June 2019 tegey isaga oo qayb ka ahaa dadaalkii dhismaha DG labaad ee Galmudug, xilligaas waxa uu Dhuusamareeb joogay muddo bil iyo dheeraad ah, waxaana magaalada maamulayey Ururkii ASW oo muddo ka badan 10 sano gacanta ku hayey Dhuusamareeb iyo degmooyin kamid ah gobolka Galgaduud.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.