Golaha Badbaadad Ssc War Murtiyeed Ka Soo Saaray Wada Hadalada Somalilan iyo Somaliya Daawo

War Murtiyeed
Munaasibadan ama shirkan waxaan u qabanay inaan ku soo gudbino war murtiyeed ka soo
baxay gole ay ku midoobeen waxgaradka gobolada SSC oo Soomaaliya oo kala jooga
dalka gudihiisa iyo debediisaba. Golahan magaciisa waaxaa la yiraahdaa Golaha
Badbaadaba Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana aasaasay waxgarad ka kooban
odayaal, aqoonyahan, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo
dhamaan qaybaha bulshada SSC.
Ujeedooyinka Golaha Badbaadada SSC loo aasaasay waa ka mid ah;
 In shacabka gobolada SSC ay helaan nabad iyo xasilooni cadaadal ku dhisan,
lagana hortago colaadaha soo noqnoqday ee maamulka Somaliland dhex dhigay
qaybo ka mid ah beelaha iyo deegaanada SSC.
 In deegaanada SSC laga saaro ciidamada gooni-u-goosadka Soomaaliland ee ku
soo duulay gobolda SSC, iyadoo la xaqiijinayo inaan dadka iyo gobolada SSC loo
adeegsan kala goynta iyo kala qaybinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
 In si buuxda looga hortago dhulboobka, barakicinta iyo xasuuqa gooni-u-goosadka
Somaliland ku hayaan dadka iyo gobolada SSC.
 In dadka ku dhaqan gobolada SSC ay buuxda uga qayb galaan nimaadka
federaaliga ah ee Soomaaliya, ayna helaan xaqa ay u leeyihiin aaya-ka-tashigooda
iyo inay iyagu ismaamulaan.
 In Laga badbaadiyo dadka SSC dib-u-dhaca nololeed ee ka dhashay maamul
la’aanta iyo weerarka joogtada ah ee gooni-u-goosadka Somaliland ku hayaan
dadka iyo gobolada SSC.
 In kor loo qaado, tayada iyo tirada adeegyada bulshada, lana xaqiijiyo inaan cidina
hor hor istaagi karin mashaariicda bini’aadnimo, horumarinta iyo dhaqdhaqaaqa
ganacsiga xorta ah.
Hadaba, si loo gaadho hadafyada kor ku xusan; Golaha Badbaadaba SSC wuxuu ku
baaqayaa, kana hawl geli doonaa;
 Waa in la miydeeyo ciidamada SSC si ay gobolada SSC uga xoreeyaan gooni-u￾goosadka Somaliland ee ku soo duulay. Waana in dib loo dhisho maamulkii dadka
SSC lahaayeen ee Khaatumo, si loo xoojiyo nabada SSC iyo midnimada Soomaaliya.
 Waxaan ugu baaqaynaa waxgaradka iyo hogaamiyeyaasha beelaha gobolada
waqooyiga Soomaaliya ee midnimo doonka ah isugu yimaadaan wad si ay uga tashadaan aya hooda

Maamulka Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay kala baxaan ciidamadooda
gobolada SSC si loo xaqiijiyo nabad ku wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed.
 Waa in dadka SSC si toos ah oo firfircoon uga qayb galaan wadahadalada dib u
dhiska qaranimada Soomaaliya, aysana jirin cid ku meleti karta wadahadalada u
dhexeeya Dawlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
 Dawlada Federaalka ee Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay aqoonsato xaqa
dadka SSC u leeyihiin inay aayhahooda ka tashadaan, ulana dhaqanto si la mid ah
beelaha iyo gobolada kale ee dalka. Dawlada Federaala Soomaaliya waa inay
nabada iyo midnimada Soomaaliya ku raadiso habka ay ku samaysmeen maamul
goboleedyada Soomaaliya oo ah inay israacaan dadka iyo gobolada is ogol.
 Dawlada Federaalka ee Soomaaliya waxaan xusuusinaynaa, sida ay cadeeyeen
madax dhaqameedka iyo dhamaan bulshada SSC in Somaliland aysan meteli karin
dadka waqooyiga Soomaaliya degan oo dhan, metelaadaasi sharci ahaan sax ma
aha maadaama dadka SSC ay si cad u xaqiijiyeen inaysan waxna ka dhisan, kana
mid ahayn, kana mid noqon doonin maamulka Somaliland. Hadii la siiyo maamulkaas
metelaad aysan xaq u lahayn, taasi waxayna sii xoojinaysaa rabitaanka gogooni-u￾goosashada waxayna fogeynaysaa rajada midnimada umadda Soomaaliyeed.
 Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, qaramada midoobay iyo dhamaan beesha
caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay xaqiijiyaan in dadka SSC ay helaan
mashaariicda bini’aadminimo iyo kuwa horumarinta si toos ah. iyadoo aan la
siyaasadayn cidina hor istaagin.
 Maamul Gobeleedya iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayna
inay nagu taageeraan xaqa dadka SSC u leeyihiin inay nabad helaan iyo inay
aayahooda ka tashadaan, sida gobolada kale ee dalka.
 Waxaan u cadaynaynaa wadamadii hormuudka ka ahaa dhexdhexaadinta
wadahadalada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland in
maamulka Somaliland marna meteli karin dadka SSC maadaama aysan waxba ka
dhisan, kana mid ahayn maamulkaas sida ay in badan cadeeyeen madax
dhaqameedka iyo bulshada SSC. Soomaaliya waa 18 gobol oo siman, mana jiro
gobol masuul ka ah gobol kale. Somaliland weerar iyo colaad joogto ah ayey ku
haysaa gobolada SSC mana aha in lagu abaal mariyo taas, halk lagala xisiaab tami doono

Hoos ka Daawo xog hayaha Golaha Ssc Axmed Gacmayare