Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo Garaad Jaamac?

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kula kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale iyo xubno la socoday, kulankaasoo saacado qaatay, ayay Madaxweynaha iyo Garaadku kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo door ah.

KUKLANKA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GARAAD JAAMAC

kulalan garaad jaamac 2 kulan1

Kulankaas saacadaha socday waxaa Madaxweynaha iyo Garaadka ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud, Madaxtooyada iyo xubno Xildhibaanno ah oo xagga dawladda ah iyo Garaadka iyo siyaasiyiin uu wato.

Shirkan ayaa Saxafaddu dibedda ka joogtay, hase ahaatee markii uu dhammaaday warfidiyeennada faahfaahin ka siiyay nuxurka waxyaabaha lagaga wadahadlay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, kaasoo ka warbixiyay arrimaha laga wadahadlay.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, ayaa Jimcihii todobaadkan soo gaadhay Magaaladda Hargeysa, ka dib markii ay wasiirro xukuumaddu ugu dirtay Dalka Djibouti oo ay ka soo galbiyeen.

Garaadka ayaa intii uu joogay ku mashquulsanaa Munaasibaddo casuumaad loogu fidinayay oo Beelaha Reer Hargeysa ku maamuseen.Garaad Jaamac. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay Madaxweyne Siilaanyo wada yeeshaan.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa ka mid ahaa Isimaddii dhidibada u taagay Maamulka la baxay khaatumo oo shir weynihiisii saddexaad qaban qaabadiisu ka socoto Taleex, tan iyo markii la aasaasay laba sanno ka hor. Halkan hoose ka dhegayso Codka Warbixinta kulankaas dhex-maray Garaad Jaamac iyo Madaxweyne Siilaanyo.


aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.