Madaxweyne Siilaanyo oo furay Madal Dheehasho Dhaqan ka muuqday

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo wasaarada Deegaanka loo dhisay, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu beeray Geedka horumarinta Deegaanka oo uu Barxada weyn ee Wasaaradda dhex-deeda, sida lagu sheegay warkan oo ay Madaxtooyadu soo qortay.

SIILAANYO MADAL DEEGAAN-DHAQAN

IMG_0417 IMG_0525 IMG_0230 IMG_0235 IMG_0247 IMG_0098 IMG_0087 IMG_0086 A IMG_0379 IMG_0389 D

Madashan maanta ayaa ahayd mid ka duwan munaasibadihii hore ee uu madaxweynuhu ka qaybgelijiray, waxaana ugu muhiimsanaa Hadyado ka samaysan Dharkii hidaha iyo Dhaqanka oo ay Madaxweynaha iyo Marwadiisa ay ugu talo galeen dadka reer miyiga ah ee Somaliland una soo wakiisheen Wasiirka Deegaanka.

Sidoo kale, goobtani waxay maanta ahayd mid aan haba yaraatee lagu arag Sharaab, Keek, Buskud, iyo Nacnac toona, balse dadku ay ku mashquulsanaayeen soona xasuusteen Hidihii iyo dhaqankeeni soo jireenka ahaa marka loo eego dhanka cuntada ee maanta ku sugnayd halkaasi, waxaana madasha la isku waydaarsanaayey Caano Geel, Muqmad, Hilib Solaya, Malab, Timir, iyo Subag weliba waa inta aan ka xasuusto cuntooyinka soo jireenka ah ee aad moodo in ay beryahan ka sii dabar’goayaan Goobaha la isku arko.

Dhinaca kale Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ku dhawaaqay In Guud ahaanba Dalka looga dareeri doono maalinta Sabtida  ee 26ka bishan April 2014ka  kuna Beegan 26ka Bisha jumaadalaakhir ee 1435ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 9:00 Sagaalka subaxnimo Roobdoon.

Ugu danbaytiina waxa madaxweynuhu shahaado sharaf uu gudoonsiiyey Odayaal wakhtigooda aan marnaba ku lumin Aqoonta Maadiga ah balse ku lumiyey aqontooda iyo wakhtigooda sidii ay u horumarin lahaayeen Aqoonta Deegaanka ay u leeyihiin iyaga oo shahaadadana ku mutaystay la dagaalka iyo ka hortaga kuwa aafeeyey ee dabar gooyey Dhirta iyo daaqa.

Xogta warkan: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.