Madaxweynayaasha Brundi iyo Soomaaliya oo markii u horreysay Muqdisho ku kulmay

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha waddanka Burundi Pierre Nkurunziza, ayaa markii ugu horreysay maanta booqasho ku yimid Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynah Soomaaliya iyo Madaxweynaha BURUNDI

MADAXWEYNAHA BRUNDI IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA MADAXWEYNAHA BURUNDI OO MUQDISHO YIMID Madaxweynayaasha Burundi iyo SOomaaliya 1128 646 356  2014422635337491792328441B1 2014422635337491985538229B4 MADAXWEYNAHA BURUNDI OO MUQDISHO YIMIDMadaxweynah Soomaaliya iyo Madaxweynaha BURUNDI

Madaxweynaha Brundi oo booqashadan uu ku yimi maanta noqonayso tiisii ugu horreysay ee uu ku soo gaadho Soomaaliya oo ay ka joogaan Ciidammo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM oo dawladda Soomaaliya ka gacan-siiya dagaalka ay kula jirto Malleeshiyada Al-Shabaab, waxa uu la kulmi doonaa Taliyeyaasha Ciidammada AMISOM oo Ciidanka dalkiisa ka socdaa ka mid yahay, kuwa Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale sida la sheegay.

Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabbilay Madaxweynaha Burundi, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha ee Muqdisho, waxaanu yidhi; “Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay inaan Madaxweynaha dalka Burundi ku soo dhaweeyo Muqdisho. Ciidammada Burundi ayaa nala joogay tan iyo December 2007, mana illaabi karno dedaalkooda dib u soo celinta amniga Soomaaliya iyo sida ay naftoodu ugu hureen oo ay dhiiggooda noo hureen si dalka uu nabad u noqdo.”

“Muddadii ay Ciidammada Brundi dalka ku sugnaayeen horumar ballaadhan baa la sameeyay, Muqdisho oo kooxihii nabad-diidka ahaa laga saaray oo maanta Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh. Sidoo kale gobollo fara badan, ayaa gacanta Al-shabaab laga saaro sida Marko, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beledweyn, Xudur, iyo goobo kale.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inay Ciidammada Midawga Afrika ee kuwa Brundi ku jiraan iyo kuwa Soomaaliya wadaan hawl-gal goobaha ay joogaan lagaga saarayo Al-Shabaab, waxa uu yidhi; “Ciidammada Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ku howlan sidii Al-shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan oo shacabka loo gaadhsiin lahaa faa’iidada nabadda. Waxaa mahad gaar ah leh Ciidammada Burundi iyo kuwa kale ee noo soo gurmaday.”

“Waxaan sii xoojin doonaa xiriirka labada dal, bacdamaa ay Soomaaliya sameynesyo horumar isuna diyaarineyso in dalka ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016-ka. Waxaana mahad gaar ah u soo jeedineynaa dowladda Burundi iyo shacabkoodaba.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa markii ugu horreysay ee Madaxweynaha waddanka Brundi booqasho tan oo kale ah uu ku yimaaddo xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Brundi, ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee ay Kumannaanka Askari ka joogaan Soomaaliya, waxaana Ciidammada Brundi lagu tilmaamaa kuwa ugu mintidsan dhinaca dagaallada ay la galaan kooxda Al-Shabaab Ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM ka jooga Soomaaliya, marka laga reebo Ciidammada dawladda Itoobiya.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.