Madaxweynaha Somaliland oo amray in Salaad Roob-doon ah laga Tukado guud ahaan dalka

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amray in gobollada iyo degmooyinka dalka guud ahaan Sabtida soo socota laga Tukado Salaad Roob-doon ah oo Illaahay lagaga beryo inuu Raxmaadkiisa innoo shubo, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa War-Saxaafadeed qoraal ah oo uu maanta soo saaray ku sheegay in maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 26-ka bishan aynu ku jirno ee April, degmooyinka iyo gobollada dalka guud ahaan laga tukan doono Salaad Roob-doon ah.

WASIIR KHALIIL CABDILLAAHI AXMED

Qoraalka War-Saxaafadeedka uu soo saaray Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, ayaa u dhignaa sidan:-

“Warsaxaafadeedka  Roobdoonta  Taariikh:  Salaasa 22/4/2014

Sida aynu la socono Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu Amray in Dadweynaha reer Somaliland  ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka dalku ay Tukadaan Salaadda Roob-doonta maalinta Sabtida  ee 26ka bishan April 2014-ka, kuna Beegan 26ka Bisha jumaadalaakhir ee 1435-ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 9:00 Sagaalka subaxnimo.

Taasoo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo , salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka ay sidan oo kale uu Roobku inaga dib dhaco.

Waxa loo baahanyahay in lagu dadaalo Soonka iyo  Alla ka cabsi  iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roobdoonta islmarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga.

Isla markaana, wixii wanaag ah in la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga.

Manta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska warqabka ee jaarka haddii ay tahay iyo qoyskaaga ama qaraabadaada haddii ay tahay aad wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd  sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno .Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeya/Somaliland.