Madaxweyne Gaas oo Degmooyink Galmudug ka tirsan u qabtay maalmo inay ku soo dhistaan Maamul

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in uu si rasmi ah u kala direy Golyaasha Deegaanada ee degmooyinka Jariiban iyo Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug.

640x480xSoodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho68.jpg.pagespeed.ic.3vsozjucel

Madaxweynaha oo weli ku sugan degmada Jariiban ayaa subaxnimadii maanta sheegay in laga doonaayo shacabka ku dhaqan degmooyinkaas muddo afar maalmood ah gudahood lagu soo dhiso goleyaal deegaan oo caddaalad ku dhisan kana tarjumaaya rabitaanka shacabka, Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in tani ka danbeysey kadib wadatashi uu la sameeyey bulshada.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in ay ballan qaadeen isbeddel, lana doonaayo in isbeddelku muuqdo oo dalka oo dhan gaaro waxaana uu ka codsadey odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradku in ay soo xulaan dad wax ka qaban kara baahida shacabka.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa lagu wadaa in ay maanta dib ugu noqdaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland/Somalia.