Xildhibaan labaad oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Al-Shabaab oo ka hadashay

Muqdisho(Aftahannews):- Dablay hubaysan, ayaa maanta Muqdisho ku dishay Xildhibaan Cabdicasis Issaq Mursal, kaasoo noqonaya Xildhibaankii labaad ee muddo afar iyo labaatan saac ah lagu dilo Muqdisho, isagoo mid saddexaadna dhaawacan yahay.

140227112437_somalias_mogadishu_city_hit_by_car_bomb_blast_304x171_afp_nocredit

Xildhibaanka ayaa la dilay, ka dib markii la soo weeraray gurigiisa oo ku yaallo degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka xildhibaanka, waxayna sheegeen inuu farriin u yahay shirka looga hadlayo ammaanka ee Muqdisho ka socda.

Shirka ammaanka ee Muqdisho:

Dilkan ayaa imanayo iyadoo maalin ka hor la dilay xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Isaaq Maxamed Reenow ayaa isaguna lagu dilay Muqdisho halka mid kalena la dhawaacay.

Qaraxa lagu dilay xildhibaan Reenow ayaa ka dhacay dibadda hoteel ku yaala degmada Xamar Weyne iyadoo saraakiisha boolisku sheegeen inay baarayaan.

Dilalkan ayaa imaanaya iyadoo maalintii saddexaad uu galay shir ka socda Muqdisho oo looga hadlayo amniga Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb galayaan khubaro ka kala timid gudaha iyo dibedda.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.