Xarunta Tala so Jeedinta oo Warsaxafadeed Ka Soo Saartay Doorashada 2021 Ee Somalia

Xarunta Talosoo jeedinta Soomaaliyeed
Warbixin Siyaasadeed
Hordhac
Waxaa gebagabo ku dhow muddo xileedkii hey’adaha dowladda ee dastuuriga ah (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) ee Soomaaliyeed oo la doortay sannadkii 2016-kii taas oo ay ka harsan tahay siddeed bilood. Inta badan marxaladaha kala guurka marka la gaaro waxaa dhasha walaac iyo hubaal la’aan laga qabo doorashooyinka iyo habka iyo nidaamka ay u dacayaan taas oo ay mar walba ugu wacan tahay he’yadaha dowliga ah ee xilka haya oo aan dhamaystirin dastuurka qaranka iyo iyadoo aan hore loo sii diyaarinin sharcigii doorashooyinka. Intaas waxaa weheliya xiriir wadashaqeyn oo ka dhexeynin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada taasoo muhiim u ah qabashada doorashooyinka qaranka.
Haddaba Xarunta ‘Talo soo jeedinta Soomaaliyeed iyadoo umadda soomaaliyeed la wadaagta hubaal la’aanta ka taagan in doorasho wakhtigeedii ku dhici doonto iyo in kale waxay kulammo xog waraysi ah la yeelatay madaxda hey’adaha dastuuriga ah sida:
Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi
Gudoomiyaha Golaha Shacbiga Mudane Maxamed Murusal Sheekh
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliima Cismaaciil
Xaliima Yareey
Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore Mudane Sheekh Shariif Sh.Axmed
Gudoomiyaha Dalada Xisbiyada Hiigsi Marwo Foowsiya Yusuf Xaaji
Masuuliyiin ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka Prof Cabdulaahi Maxamed
Shirwac
Mudane Diini Maxamed Diini.
Marwo Sahro Maxamud Maxamed (Sahra Yareey)
Marwo Maryan Taqal

Prof Aqoonyahan Xasan Sheekh Cali Nur (PHD)

. Ujeeddada ugu muhiimsan ee kulammadan waxay ahaayeen in hor iyo horraan ay jirto ka go’naasho iyo rabitaan, iyo sidoo kale haddii ay jiraan qodobo farsamo, sharci ama siyaasadeed oo caqabad ku keeni kara inay doorasho dhacdo, si haddii ay jiraan ay xarunta uga soo jeediso talooyinka ku haboon. Sidoo kale in xaruntu ay hesho aragtida guud iyo inay jiran in saamileyda siyaasaddu qodobo ay ku kala aragti duwan yihiin.
Maxaa diyaarsan illaa iyo hadda…. ?
1. Baarlammaanka Soomaaliyeed waxaa uu sharciga doorashooyinka qaranka ansixiyay taariikhdu markay ahayd—-28-12-2019kii sharcigaas oo uu madaxweynaha jamhuuriyadda saxiixay –21 feb 2020—-kadib markuu Aqalka sare meelmariyay 8 february 2020ka. Sharciga doorashooyinka qaranka ee uu baarlamaanku soo saaray waxaa uu dhigayaa in doorashada dalka ka dhacaysaa ay tahay qof iyo cod.

2. Baarlamaanka waxaa kale oo gebagebo u maraya ansixinta afar xeer oo muhiim u ah doorashooyinka kuwaasoo kala ah a) xeerka xisbiyada siyaasadda b) qoondada haweenka c) meeleynta kuraasta iyo d) metelaadda gobolka Banaadir.

3. Guddiga Qarranka ee Doorashooyinka Madaxa- bannaan wuxuu noo xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka.

4. Waxaa kale oo diyaarsan inta la ogyahay ilaa iyo hadda in dhanka xukuumadda uu ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyaddu caddeeyay in dalka ka dheceyso doorasho islamarkaana ay dhici doonto wakhtigeedi, taasoo meesha ka saareysa tuhunkii ahaa muddo kororsi.
Ma jiraan caqabado muuqda oo hor istaagi kara in doorasho dhacdo…?
1. Guud ahaan dalka Soomaaliya maamul ahaan ma hoos yimaado dowladda dhexe

2. Waxaa jira khilaaf xooggan iyo wada shaqeyn la’aan u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada taas oo ilaa iyo hadda waxba laga qabannin.

3. Saamileyda siyaasadda Soomaaliya oon llaa iyo hadda ku mideysneyn hal aragti oo ku aadan doorashooyinka.

4. Guud ahaan Qiyaastii boqoblkiiba toddobaatan iyo shan 75% ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waa dhallinyaro aan wax aragti ah ka heysanin doorasho maadaama aysan weligood arkin doorasho dhacaysa.
Haddaba xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed makii ay daraasad iyo Xog uruurin k sameysay xaaladaha aan kor ku soo sheegnay ee uu dalku ku sugan yahay, islamarkaana ka duulayso fursadaha iyo caqabadaha jira waxay talo ku soo jeedinaysaa talooyinka soo socda:-
1. Dalka Soomaaliya inay ka dhacdo doorasho islamarkaana ay ku dhacdo wakhtigeedii si looga badbaado qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhacda.

2. Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka inay sida ugu dhakhsiyaha badan u kulmaan una xaliyaan khilaafaadkooda siyaasiga ah iyagoo danta qaranka ka hormaninaya danohooda gaarka ah.

3. Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka inay si wadajir ah uga heshiiyaan tubta fulinta doorasho hufan inay ka dhacdo dalka (detailed road map), ujeeddada waa turxaan bixinta sharciga dooashooyinka, sugitaanka, sharciyeynta iyo howl gelidda xisbiyada siyaasadda dalka.

4. Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururrada Bulshada Rayidka inay ku midoobaan taageerada hey’adaha dastuuriga ah iyo ka qeyb qaadashada taabo gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

5. Dhammaan ururrada caalamiga ah, dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa inay dadka Soomaaliyeed ku caawiyaan sidii dalkan ay doorasho uga dhici lahayd iyadoo la xoojinaayo ama la kobcinayo madaxbanaanida Ummadda Soomaaliya.

Wabillaahi towfiiq