Guddoomiyihii Guddiga doorashada Somaliland oo is-casilay iyo Xubin cusub oo loo doortay jagadaas

Hargeysa(Aftahannews ):-  Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa doortay Guddoomiye cusub, ka dib markii uu xilka iska casilay Guddoomiyihii hore ee Guddigaas Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), oo ay Xubnaha Guddigu ka aqbaleen is-casilaaddiisa.

xamari

Guddoomiyihii hore ee 20 April 2014 is-casilay Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari)

komishanka11

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geelle

komishanka-doorashooyinka2

Toddobada Xubnood ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland

War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Qaranka, ayay ku sheegeen in Guddoomiye Ciise Xamari iska casilay xilkaas, isla markaana ay u doorteen Guddoomiye Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo ahaa Xubin Guddiga ka tirsan, isla markaana ahaa Afhayeenka Koomishanka Guddiga doorashada Somaliland.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo uu ku sexeexanaa Agaasimaha guud ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, ayaa nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska warrarka ee Aftahannews.com ee magaalada Hargeysa, waxaanu qoraalkaas oo dhammaystirani u dhignaa sidan:-

“Maanta oo ay Taariikhdu tahey 22ka April,2014 waxa uu komishanka Doorashooyinka Qaranku la socodsiinayaa Bulsha Weynta Reer Somaliland,Xisbiyada Siyaasada, Xukuumada iyo daneeyeyaasha Doorashooyinka:

1)In Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu arimo shakhsi ah awgood codasdey in uu baneeyo jagada. Guddoomiyaha KDQ taasoo uu qoraal rasmi ah kaga codsadey xubnaha KDQ 20kii April 2014;  

2)Xubnaha KDQ waxa ay si wadajir ah uga aqbaleen (unanimously agreed) in mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu baneeyo jagada Gudoomiyaha kDQ iyagoo uga mahad celinaya wada shaqeyntii xilkasnimadii,masuuliyadii iyo hogaamintii wacneyd ee uu muujiyay muddadii uu hayay xilka Gudoomiyaha KDQ.

3)Sidoo kale, waxa ay xubnaha KDQ siwadajir ah (unanimuosly) ugu doorteen shaley oo ay taariikhdu aheyd 21kii April xilka Gudoomiyaha KDQ Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geelle waxaanay illaahay uga baryayaan in uu u fududeeyo howshaa culus.Allaa mahad Leh.”

Sidoo kale, Waxaa War-Saxaafadeedkan ku lifaaqnaa Go’aanka toddobada xubnood Guddiga Doorashooyinka Qarakna Somaliland, kaaso ay wada-saxeexeen toddobada xubnood, isla markaana ku muujiyeen sida ay uga aqbaleen go’aanka xil-bannaynta Guddoomiyihii hore ee Guddiga, una doorteen Guddoomiyaha cusub iyo qodobbada Xeerka ay waafajiyeen ama u adeegsadeen. Waxaanu qoraalkaasina u dhignaa sidan:-

“Go’aan Komishan:- Tixraac Warqadda oo uu soo qoray Guddoomiyihii Komishanka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed, soona baxay 20-kii April, 2014, nuxurkeeduna ahaa bannaanayn xilkii Guddoomiye ee KDQ.

Haddaba, ka dib markii ay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qarankuka baaraan-degeen, isla markaana ay lafa-gureen codsiga Mudane Ciise Yuusuf Maxamed, waxay go’aamiyeen in ay ka aqbalaan codsigiisa ah in uu banneeyo xilkii Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Waxa xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay uga mahad-celinayaan wada-shaqayntii iyo hoggaamintii wacnayd ee uu ku suntanaa muddadii uu ahaa Guddoomiyaha KDQ.

Sidoo kale, waxa ay Komishanka doorashooyinka Qaranku sida uu timaamayo qodobka 11-aad, farqaddiisa 1-aad Xarafka (B) ee Xeer LR. 20/2001, maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka (shalay) April, 2014 u doorteen Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Axmed Maxamed Xirsi Geelle, waxaanay u rejaynayaan in Illaahay xilkaa u fududeeyo.”

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

1)Maxamed Axmed Xirsi Geelle          :Gudoomiye 

2)Cali Khadar Xassan Cismaan           :G/kuxigeen

3)Eng Ciise Yuusuf Maxamed            :Xubin

4)C/fataax Ibraahim Xassan               :Xubin

5)C/raxmaan Maxamed Ismaaciil       :Xubin

6)Raabi Cabdi Maxamed                   :Xubin

7)Faarax Abiib Aadan Faarax           :Xubin.”

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.