Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo Somaliland ugu Deeqay Lacag loogu Talagalay Ka Hortagga Covid-19

Filed under: Wararka |

Hargeysa(tahannews):- Ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Boore), ayaa guddida heer Qaran ee ka hortagga Cudurka Covid-19 ee Somaliland ku wareejiyey Deeq Lacageed oo qadarkeedu dhan yahay $170,000 (Boqol iyo Todobaatan Kun oo Dollar).

Deeqdan lacagtaha ah ee Ganacsadaha reer Jabuuti uu ugu talo-galay in Somaliland wax kaga qabato caabuqa sida xawliga ah u faafaya ee Coronavirus, waxa uu u soo wakiishay oo guddiga guddoonsiiyey Shirkadda Red Sea General Trading oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Somaliland isla markaana dalka keena badeecado Shidaalku ka mid yahay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo deeqdaa ka guddoomay maamulka shirkadda Redsea, ayaa sheegay in deeqdaasi ay isugu jirtay $100,000 dollar oo Kaash ah iyo $70,000 dollar oo Raashin ah. Raashinka Qiimahiisu dhan yahay $70,000 ayaa lagu wareejiyey Komishanka Ka Hortaga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka ee Somaliland.

Warkaas oo faahfaahsan iyo hadallada Masuuliyiintu ka jeediyeen, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee ka bogasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login