Gaafow oo sheegay inay wax badan qaybsadeen, kana wadahadleen Madaxa Laanta Socdaalka Somaliland

“Cali Maxamed Waran-cadde aniga Madaxdayda ayuu ahaan jiray, Laanta Socdaalka anigaa beddelay (booskiisii anigaa fadhiistay), nin shaqada si fiican u yaqaannana waa yahay, laakiin hadda siyaasi ayuu noqday, aniga wali siyaasi ma noqon, taas baa na kala leexisay baan u malaynayaa. Laakiin…” Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafow Maxamuud

General GaafowMaxamed Cambaro

Muqdisho(Afttahannews):- Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafow Maxamuud, ayaa sheegay xidhiidh fiican, wada-shaqayn iyo wax-qaybsi ka dhexeeyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, isla markaana waxa uu sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo u dhexeeya isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Genaral Gaafow, waxa uu sheegay inuu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde isaga Madax u ahaan jiray, isla markaana booskii uu joogi jiray Waran-cadde dawladdii Soomaaliya isaga lagu beddelay, oo uu shaqada si fiican u yaqaanno, hase-yeeshee, faraqa hadda u dhexeeyaa yahay inuu Siyaasi noqday Waran-cadde, halka uu isagu weli Baasaaboor iyo nabadgelyo taagan yahay.

Geraraal Gaafo oo waraysi gaar ah siiyey Horon Cable TV, waxa uu ugu horreyn ka warramay meelaha laga qaato Baasaaboorka Soomaaliya iyo dalalka uu gaadhay ee uu ka shaqeeyo wakhtigan, waxaanu sheegay in laga qaado sagaal gobol oo dalka gudihiisa ah iyo lix iyo labaatan waddan oo dibedda ah oo ay Soomaaliya Safaarado ku leedahay.

“Lix iyo labaatan Safaaradood oo 26 waddan oo dunida ah ka shaqaysa iyo sagaal gobol oo dalka gudihiisa ah intaba wuu ka shaqeeyaa si fiican buu uga socdaa. Waa run oo Baasaaboorka waa la adkeeyey, awal laanta socdaalka ayuu ka bilaabmi jiray oo uu ku dhammaan jiray, sababtoo ah gobollada ammaan kama jirin, dawladuhu ku-meel-gaadh bay ahaan jireen. Laakiin, immika gobollo badan oo ammaan ah ayaa jira, dawladdu Ku-meel-gaadhkii way ka baxday.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Gaafow.

Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafow Maxamuud oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xurgufta u dhaxaysa isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu ku dooday inaanay jirin wax dhibaato ah oo ka dhaxaysaa.

Waxaanu yidhi; “Cali Maxamed Waran-cadde aniga Madaxdayda ayuu ahaan jiray, Laanta Socdaalka anigaa beddelay (booskiisii anigaa fadhiistay), nin shaqada si fiican u yaqaannana waa yahay, laakiin hadda siyaasi ayuu noqday, aniga wali siyaasi ma noqon. Markaa, arrimaha siyaaasadda ayaa na kala leexisay, waxa laga yaabaa siyaasadda ayuu ka arkay dhinac kale, anigu laakiin weli nabadgelyo iyo Baasaabboor baan taaganahay, taasaan u malaynayaa inay na kala leexisaye, wax kale oo gaar ah oo na kala leexiyey ma jiro.”

“Laakiin, waxaa noo dhexeeyaa waxa weeye Madaxa Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, kaasoo aannu shirar badan ka wada qayb-galnay, kaasoo aan wax badan qaybsannay, kaasoo aannu wax badan nabadgelyo ka wadahadalnay, isaga ayay ahayd inuu qanciyo. Laakiin, aniga iyo Cali wax toos ah oo dhibaato ah oo haba-yaraatee maalinna na dhex-martay ama na dhex-mari kartaa ma jirto. Aniga waxaan ku taaganahay dhankii nabadgelyada, isna malaha wuxu ku taagan yahay dhankii siyaasadda, markaa taasaan u malaynayaa inay na kala leexinayso.” Sidaa ayuu yidhi General Gaafow.

General Cabdillaahi Gaafow Maxamuud waxa uu sheegay inaanay Bixinta Baasaabboorka Soomaaliga u eegin qofku gobolka uu u dhashay, balse ay Soomaalinnimo ku siiyaan qofka doonaya Baasaabboorka, waxaanu tilmaamay in Cali Waran-cadde yahay nin shaqada nabadgelyada si fiican u yaqaanna, isla markaana si fiican u garan kara Baasaabboor la been-abuuray dhibaatada ka dhalan karta.

Waxa uu General Gaafow oo arrimahaa ka hadlayaa yidhi; “Waxaan leeyahay Cali Waran-cadde waa yaqaannaa nabadgelyada, waa yaqaannaa Baasaabboor la been-abuuro ama la fududeeyo dhibaatada uu keeni karo, anigu waxaan ku dhegganahay waa intaas. Annaga Baasaabboorka dadka Soomaali u dhashay ay qaadanayaan kama Siyaasad kama fiirinno, kuma siinno waryaa adiga Somaliland ka imo iyo adigu Soomaali kale ayaad tahay toona, ee waxaan ka fiirinnaa qofkani Soomaali ma yahay.”

“Tusaale haddaan kuu soo qaado qofka Safaaradda Dubai ee Soomaaliya yimaadda ee Ciqaamaddi ka dhacday ee Soomaaliga ah gobolkuu doono ha u dhashee yaa u diidi kara? Dad Soomaaliyeed oo inay Xajaan doonaya miyaannu u diidi karnaa oo kuma xajaysaan odhan karnaa? Annaga qofkani Soomaali ma yahay baan ka fiirinnaa oo Soomaalinnimo ayaan Baasaabboorka ku siinnaa, qof So.” Sidaa ayuu yidhi Gaafow.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa marar kala duwan sheegay inaan Baasaabboorka Soomaaliya lagu soo geli karin, lagagana bixi karin dalka Somaliland, isaga oo eedaymo u jeediyey marar kala duwan Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafow Maxamuud. Hase-yeeshee, weli warkan wax jawaab ah kamuu bixin.

Xigasho Wargeyska Himilo.