Madaxweyne Biixi Oo Khudbad Berri Ka Jeedin Doonna Labadda Golaha Iyo Su’aalaha Ku Xeeran?

Filed under: Wararka |

Hargeysa (Aftahannews)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu faah-faahin ka bixiyo Kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula soo qaatay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa.

Madaxweyne Biixi ayaa hortagi doona todobaadkan labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, isagoona ka jeedin doona khudbad sanadeedkii Dastuuriga aheyd, midaasi oo la filayo in uu si gaar ah ugu warbixiyo natiijada kulankaasi iyo waxqabadka xukuumadiisa.

Biixi ayaa markuu Golaha hortago ka warbixin doona waxyaabihii ka soo baxay kulankii uu la qaatay Farmaajo, iyo waxa ka jirra safarka la sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ku iman doono magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa la filayaa in uu khudbadaasi ku soo qaato Raali-gelintii uu Farmaajo dhowaan siiyey reer Somaliland, taasi oo la xidhiidhtay xasuuqii ay dowladdii kacaankii ay ku qaaday gobolada Waqooyi.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu diirada saari doona khilaafka baahsan ee hadheeyay qabsoomida doorashooyinka iyo Komishanka cusub ee sii huriyey xiisada ka taagan doorashooyinka Somaliland.

Khudbada Madaxweynaha ee la filayo in uu todobaadkan ka horjeediyo Golaha ayaa noqon doonta mid uu si mug leh uga warbixiyo kulankii uu la qaatay Farmaajo oo ay dul hoganayaan su’aalo badan oo ay ka gaabsadeen labada dhinac ka jawaabidooda.

You must be logged in to post a comment Login