Dowladda Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya inay faro gelin siyaasadeed ka wado gudaha dalkeeda

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mida amni oo ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaallya, taasoo aan u wanaagsanayn xidhiidhka labada dal iyo shacab ee Walaalaha iyo deriska ah. iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay kamid tahay la dagaalanka Argagixisada.

War-saxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku jooga magaca Amisom iyo midowga Afrika ay sameeyeen farogelin siyaasadeed iyo khalkhal galin amniga oo gudaha ah.

“Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Golaha Amniga iyo African Union ee Ciidamada AMISOM ku joogaan dalka Soomaaliya, waa in aan Dawladda Kenya u adeegsan Cildamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca dalada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay hadalkeeda ku dartay in mar waliba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, ayna aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo ayna ku Jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta.

hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login