Dawlad awood badan leh oo laga Xayiray Gantaalaha Nikliyeeyrka Xambaara iyo Sababta

Istanbul (Aftahannews)-Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warrantay in saraakiil katirsan dowladda dalkaas ay ka digeen in 50 madax oo gantaalada Niyukleyrka ee Mareykanka u yaalla gudaha dalka Turkiga ay xayirtay dowladda dalkaas.

Xukuumadda Washington ayaa isku dayaysa siddii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya.

Bixitaanka ciidammada Mareykanka ay ka baxeen waqooyiga dalka Suuriya ayaa dhalisay in ciidamada Turkiga iyo kuwa Ruushka ay ku siqaan goobihii ay heysteen askarta Mareykanka, sidoo kalena halkaas ay isaga baxaan isbaheysigii Mareykanka uu ku lahaa gobolka – Kurdiyiinta Suuriya.

Arrintan ayaa waxaa aad u dhalliilay siyaasiyiin badan oo Mareykan ah, iyagoona xukuumadda Donald Trump ku eedeeyay inay dhabarka ka toogatay xulafadii ay ku lahaayeen gobolka.

Dowladda Mareykanka ayaa Turkiga ku boorsisay inay joojiso duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta, oo haddii ay ka dhaga adeegtana ay burburin doonta dhaqaalaha Turkiga.

Warar ayaa sheegaya in markii uu mugdi soo kala dhex-galay xidhiidhka labada dal ay keentay in Mareykanka uu ka fikiro waxa laga yeelayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga.

Wargeyska The New York Times ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warramay in saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta ay maalmo ka hor ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Soaliland.