Shirkadda Daallo Airlines oo Diyaarad ka diiwaangashan Yurub keentay Hargeysa & Wasiirka oo ka hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkadda Duulimaadyada ee Daallo Airlines ayaa noqotay shirkadii ugu horaysay ee maxali ah ee Somaliland keentay Diyaarad ka diiwaan gashan Waddamada Qaaradda Yurub, isla markaana haysta caymis caalami ah.

Daalllo-1

Shirkadda Daallo ayaa diyaaradda ay dalka keentay tahay Air Buss A321 oo qaadda Rakaab dhan 230 qof, taasoo marka ay ka duusho Madaarka Cigaal International Airport  ee Caasimada Hargeysa si toos ah u tagaysa magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka carabka, iyadoo aan wax Transit ah ku maraynin dalka Jabuuti.

Diyaaraddani Air Buss A321 ayaa markii ugu horaysay  soo caga dhigta Madaarka Cigaal International Airport  ee Hargeysa 12/02/2014 ee sanadkan. Madaxda Shirkadada Daallo Airlines ayaa sheegay inay Diyaaradani ay ka mid tahay adeegyo cusub oo shirkadada Daallo Airlines ay soo kordhisay, isla markaana ay qorsha ugu jirno inay Diyaaraddani ay Duulimaayo toos ah ku tagto Magaalooyinka Paris iyo Lodon, taas oo dadka rakaabka ah u fudaydin doonta safaradooda.

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa dad rakaab ah oo maanta diyaarad u raacay Magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shirkada Daallo ku amaanay adeegani.

“Diyaaradani  Air Buss A321 oo ah mid baaxad weyn, galabta ayaanu halkan Madaarka Cigaal ka raaci doonaa INSHA ALLAH, waxana ay toos noo gayn doontaa magaalada Dubai, taasi waxay meesha ka saari doontaa in dadku ay Transit ku noqdaan Jabuuti wakhti badanina uu halkaas kaga lumo, waa fursad dadka reer Somaliland u soo kordhay Shirkadda Daallo Airlines waan ku amaanayaa hawsha diyaarad Air Buss A321  iyo dadaalka kale ee ay wadaanba.” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com                                                     

Hargeysa/Somaliland.