Hargeysa: Kiis 50 Sannadood Ku Jiray Maxkamadaha Dalka Oo La Soo Af-jaray

Filed under: Wararka |

Hargeysa (Aftahannews)- Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa maanta soo gunaanadday Kiiska gal-dacwadeed Maxkamadaha Dalka ku jiray muddo Nus Qarni ku siman.

Dacwadda Kiiskan muddada 50 sanno lagu qiyaasay soo taxnaa ayaa u dhexeeyey laba dhinac oo isku haystay Dhisme ku yaalla Ka soo horjeedka masjid Jaamaca magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo ay weheliyaan dhinacyada dacwaddu ka dhaxaysay oo shir jaraa’d ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo af-jaridda dacwaddan Oo uu sheegay in qaab Sulux ah lagu dhammeeyey.

You must be logged in to post a comment Login