Agaasimaha guud ee Warfaafinta oo ka hadlay Caddaalad-darro ay kaga cawdeen Shaqaale Radio Hargeysa ka tirsani

“Waxba kama jiraan Caddaalad-darrada ay ka cawdeen, Wasaaradda inaannu caddaalad-darro samayno uma joogno ee inaanu wax saxno ayaannu u joognaa…” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somalialnd Cabdirashiid Jibriil Yuusuf: Waraysi gaar ah

Shaqaalahan cabashada muujiyey shaqadooda ma ku waayi-doonaan cabashadooda mise way sii wadan karaan?

Hargeysa(Aftahannews):- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa ka jawaabay cabasho ay qaar ka tirsan Shaqaalaha ka hawl-gala Wasaaradda, gaar ahaan Waaxda Idaacadda Radio Hargeysa oo sheegay inay caddaalad-darro ka tirsanayaan Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas, hase-yeeshee, waxa uu Cabdirashiid Jibriil sheegay inaan cabashadaas waxba ka jirin, isla markaana aanay meesha u joogin inay caddaalad-darro iyo tacaddi ku sameeyaan Shaqaalaha ay Masuuliyiinta u yihiin.

agaasimaha-guud

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo daba socday War ay Labaatan ka tirsan Shaqaalaha Radio Hargeysa ku baahiyeen Warbaahinta qaarkeed, ayaa Tifaftiraha Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal, khadka taleefanka ugu warramay caawa, isla markaana ka jawaabay warkaas oo uu sheegay in lagu degdegay.

“Warkan ay Shaqaalaha Idaacadda Radio Hargeysa qaarkood ku cabanayaan ee aad baahiseen waan akhriyey, Liiska magacyada ee Warkaas ku qoran qaarkood anigu maba garanayo inay Shaqaalaha ka tirsan yihiin iyo in kale, way jiraan Shaqaale Idaacadda ka hawlgala oo ku qoran oo aan garanayo, qaar magacyadoodu ku qoran yihiin oo ila soo xidhiidhay oo ii sheegay inaanay iyagu ogeyn meel warkaas lagaga qorayna way jiraan, caddaalad-darrada ay nagaga cabanayaanna ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Cabdirashiid Jibriil Yoonis.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Horta, annagu haddii aannu nahay Masuuliyiinta Wasaaradda meesha uma joogno inaannu caddaalad-darro iyo tacaddi ku samayno Shaqaalaha aannu Masuuliyiinta u nahay, hase-yeeshee, waxaannu u joognaa inaannu wax saxno oo Shaqada Qaranka aannu u hayno annaga iyo Shaqaaluhuba ay si habsami ah oo dhibaato la’aan ah oo aan cabasho lahayn u socoto. Markaa, walaal, way jiraan Shaqaalaha qaarkood oo Hablaha Liiska warka aad baahiseen ku qoran ah oo ii yimi oo aannu is-aragnay, isla markaana aan u ballan-qaaday.”

Mar Agaasimaha guud aannu su’aal ka weydiinnay inay Shaqaaluhu ku cawdeen kala sarrayn dhinaca Mushaharka ah, sinnaan la’aan iyo in lagaga baxay ballan-qaadyo aad adiga iyo Wasiirka Warfaafintu u sameyseen waqtiyo kala duwan, Wasiirkuna hore u sheegay inay Wasaaradda ka jirto kala sarrayn iyo qiimayn la’aan dhinaca shaqaalaha ah, waxa uu ku jawaabay; “Waa runtaa taasi way jirtay, laakiin TV-ga iyo Idaacaddu waa kala laba, Wasiirku TV-ga ayuu ka hadlay wakhtigaas oo waa laga yaabaa in Shaqaaluhu wax is-dheeraysteen TV-ga Qaranka. Hase-yeeshee, Shaqaalaha Idaacadda Radio Hargeysa ka hawlgalaa sidaa maaha ee waa shaqaale siman oo isku mushahar ah oo qof walba derajada Imtixaanka lagaga qaaday lagu lacag siiyo. Way jiraan Shaqaale shaqooyin dheeraad ah qabta oo dabcan gunnooyin qaataa, kuwo immika gunnada loo bilaabay iyo kuwo aannu qorshaynay inaannu u bilawno.”

“Gunnadu maaha wax shaqaaluhu wada qaato, laakiin intooda shaqooyinka dheeraadka ah qabta ama masuuliyiinta ah ayaa la gunneeyaa, taasi waa caddaalad in qofka shaqada dheeraadka ah qabta la gunneeyo. Waxa jira oo Liiskan ku qoran Cabdicasiis Yamani oo gunnada loo bilaabay bishii hore. Hablaha aannu is-aragnay ee aannu arrintaa ka wadahadalnay waxaan u ballan-qaaday in bishan saddexaad ay heli doonaan gunnada, hawshooduna way socotay oo maalmaha soo socda inay lacagtoodu soo baxdo ayaannu ku rejo waynay. Annaguna dee kharash iskama bixinno ee Miisaaniyadda Wasaaradda ayaa na hagta, waayo meel kale wax kama keenno.”

“Dadkan cabanaana waxay ahayd hadday cabasho qabaan dhawrka qof ee aannu hore isu aragnay mooyaane inta kale ee cabanaysaa inay annaga cabashadooda noo soo gudbiyaan intii aanay Warbaahinta gaadhsiin ka hor. Laakiin, nasiib-darro taasi may dhicin oo cabashadoodan aniga iyo Wasiirka toona noomay soo gudbin, Madax Waaxeedyo ayaa jira, Guddi gaar ah oo ay u caban karayeen baa jirta.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Qaarkood waxay ka tirsan yihiin Telefeshinka Qaranka oo ay Mushahar iyo Gunnaba ka qaataan, kuwaasoo qaarkood aanay Idaacadda Mushahar toos ah aanay ka qaadan ee ay Gunno ka qaataan, maaddaama oo ay Wasaaradda Mushahar rasmi ah iyo Gunno ka qaataan, kuwo aannu ugu talo-galnay in bisha Lixaad gunno loo bilaabo ayaa ku jira, markaa waxaan odhan karaa cabashadani xaqiiqda kuma fadhido ee way ku degdegeen.”

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Warfaafinta oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey ballan-qaadyo kala duwan oo aad adiga iyo Wasiirku samayseen oo hirgeli waayey ayay shaqaaluhu sheegeen inay cabashada ku kalliftay, waa maxay sababta ay u hirgeli waayeen? Waxaanu yidhi; “Ballan-qaadyadaasi way jireen, Wasiirka iyo aniguba waxaannu samaynay wax ka beddel si shaqaalaha loogu caddaalad-sameeyo oo iyaga iyo shaqadooda loo tayeeyo, waxa nagu kallifay waa horumarinta shaqada iyo shaqaalaha. Way jiraan wax badan oo ballan-qaadyadaa ka hirgelay, waxyaabo aan ka hirgelin, balse noo qorshaysan inay hirgalaanna way jiraan, waayo mar qudha is-beddel lama wada samayn karo, awood ahaan wax aannu iska hagranaynaana ma jiro.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka jawaabayey su’aal Aftahannews ka weydiisay in shaqaaluhu waxyaabaha ay ku cawdeen ay ka mid yihiin, in Warar iyo Barnaamijyo ay ku qoran yihiin, balse aanay helin adeegyada ay xaqa u leeyihiin ee in qofku marka uu shaqada imanayo Gaadhi soo qaado, in la sii qaada rawaxaadda iyo in Barnaamijyadu markay kharash uga baahdaan ee gobollada kale tagayaan aan waxba lagala qaban, waxa uu ku jawaabay; “Horta, waxaannu shaqaalaha ka hagrannay ma jrio, balse togba taaggii ayuu rogmadaa. Way jiraan in Baabuur Wasaaraddu leedahay oo Shaqaalaha loogu shaqeeyo, laakiin haddana kuma wada filna inaannu kordhinnana way noo qorshaysan tahay. Ta kale ee Barnaamijyada waa run oo ma jiro Lacag Barnaamijyada lagu bixiyo oo Weriyeyaasha aannu gobollada ugu diri karno oo Baabuur iyo Habeen-dhax ahi, waayo Miisaaniyadda nooguma jirto, annaguna Miisaaniyadda ayaannu ku xisaabtannaa, Miisaaniyadduna wax qarsoon maaha ee waa wax la wada ogyahay oo xataa shaqaaluhu ay og yihiin.”

Cabdirashiid Jibriil oo aan weydiiyey miyaanu jirin haba-yaraadee dhaqaale Miisaaniyadda Wasaaradda Warfaafinta ugu jira wax-soo-saarka dhinaca Barnaamijyada oo loo gaar-yeelay? “Wuu jiraa Kharash kooban oo Miisaaniyadda ugu jiraa, balse kuma dabooli karno barnaamijyo gobollada laga doono.”

Maxaa markaa lagu qabtaa kharashkaa kooban ee Barnaamijyada loogu talo-galay Agaasime? “Kharashkaasi maaha mid dabooli kara Barnaamijyada oo dhan, ee waxa uu ku baxaa hawl-malmeedka Wasaaradda ee dhinaca Barnaamijyada iyo Wax-soo-saarkooda. Balse waxa hadda noo qorshaysan oo aan miisaaniyadda noogu jirin meeshaannu doonno aannu ka keennee inaannu bisha lixaad hirgelinno in Barnaamijyo laga doono gobollada oo aannu Gaadhi u gaar ah iyo kharashka Weriyeyaasha-ba daboolno si aannu u daboolnaba.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo aan weydiiyey su’aasha ah Shaqaalahan cabashada muujiyey galabta cabashadoodaasi saamayn ma ku keeni kartaa shaqadooda mise wax saamayn ah kuma laha? Waxa uu ku jawaabay; “Shaqaalahan cabashada sameeyey horta anigu uma arko inay wax dhibaato ah oo wayn geysteen. Laakiin, waxa jira Guddiga Anshaxa ee Wasaaradda, waxaa jira Xeerka anshax-marinta Shaqaalaha, waxaa jira Xeerka Shaqaalaha Somaliland, markaa qofka shaqaalaha ahi haddii uu gefo kuwaas ayaa loo cuskanayaa. Laakiin, ma jiro shaqaale lagu tacaddiyaa, qof aan isagu shaqada iska eryinna annagu ka eryi mayno.”

S: Markaa ma waxaad leedahay Shaqaalahan cawday saamayn shaqadooda ku yeelan mayso cabashadu mise waa la anshax-marinayaa, maxaase Masuuliyiin ahaan idiinka qorshaysan inaad ka yeeshaan shaqaalahan?

Jawaab: “Kollay Xeerkaas ayuun baa na hoggaaminaya, hadday anshax-marin noqoto iyo hadday inay sii shaqaystaan tahay-ba. Annaguna Masuuliyiin ahaan waannu iska arkaynaa gudahayaga.”

Su’aal: Agaasime maxaa ka mid ah qodobbada Xeerarkaas aad sheegtay in lagu anshax-marin karo Shaqaalaha gefa?

Jawaab: “Waa Xeerka Shaqaalaha guud ee dawladda, Xeer aannu annagu cid u samaysannay maaha, Guddiga anshax-marinta Wasaaradduna waa 11 xubnood oo aan anigu Guddoomiye u ahay, markaa, inta badan kuma qaadnaba shaqaalaha qaldama anshax-marintaas oo wexeenna oo dhan baa iska masaalaxo ah. Markaa, go’aan cad oo aan immika kuu sheegayo waxaannu ka yeelaynaa ma jiro, balse waannu iska arkaynaa Masuuliyiin ahaan iyo Guddi ahaanba.”

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo aannu isku daynay inaannu dhiniciisa warkan cabashada ah wax ka weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu helno, ka dib markii aannu dhawr jeer oo aannu Taleefankiisa gacanta ka wacnay la kulannay Taleefankiisa oo dembsan ama xidhan.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.