Wasiirro ka tirsan Somaliland iyo Puntland oo ku kulmay Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu Wasiirka Duulista Somaliland caddeeyey inuu maanta isagoo socdaal ah ku soo maray Madaarka Caasimadda Hargeysa.

bth_Breaking-News

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland Dr. Shire Xaaji Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa ka soo kicitimay Jimcaha maanta garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland, waxaanay Wasiirka iyo Weftigiisa oo Safarkooda ku tegaya waddanka Kuite soo mareen magaalada Hargeysa oo ay ka soo degeen, iyagoo wakhti kooban (transit) socdaal nasasho ah ku joogay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

“Madaxda Soomaaliya  waxa ka reebban inay gudaha Somaliland galaan, Transit (socdaal) way ku joogi karaan Madaarrada, meelo aannu ugu talo-galnay ayaa la geynayaa oo waa la dhawrayaa iyaga iyo sharaftoodaba, wax ceeb ahina kuma jirto taas, immikana way na soo maraan Masuuliyiin Puntland ah oo maanta oo ugu damabaysay Wasiirkii Maaliyadda ayaa marayey isagoo Transit ah.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa.

Wasiirka Duulista Somaliland ma sheegin inay wax kulan ahi dhex-mareen Wasiirka Maaliyadda Puntland, hase-yeeshee, waxa uu caddeeyey inuu soo maray garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo maanta mashaariic lagu kordhiyey uu xadhigga ka jaray Maxamuud Xaashi oo ay weheliyeen Wasiirka hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees.

Balse, dad goob-joogayaal ah, ayaa Aftahannews u xaqiijiyey inay Wasiirrada Duulista hawada, Hawlaha guud iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somaliland ay Jimcaha maanta kulan kula yeesheen mid ka mid ah qololka Socdaalka garoonka diyaaradaha Hargeysa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Shire Xaaji Faarax iyo xubno la socday oo qaddar ku nastay Madaarka Hargeysa oo ay soo fadhiisatay diyaaradda sidday.

Lama oga rasmi ahaan waxay Masuuliyiintan Somaliland iyo Puntland ka wadahadleen qaddarka uu Wasiirka Maaliyadda Puntland ku hakaday garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Wakhti saacad ka yar markii uu Wasiirka iyo Xubnaha la socday halkaas joogeen ka dib waxay ku noqdeen Diyaaradda ay saarnaayeen markii hore oo ula duushay dhinaca magaalada Nairobi oo ay ka sii bixi doonaan sida la sheegay.

Inkasta oo muddooyinkan dambe tan iyo markii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas loo doortay aanu wanaagsanayn xidhiidhka Somaliland iyo Puntland oo ay weedho xanaf leh iyo hanjabaado Warbaahinta isu-marinayeen Masuuliyiinta labada dhinac, isla markaana dhinac waliba Xadka soo tubay Ciidammadiisa, haddana ma jirin wax dagaal cad ah oo dhawaanahan dhex-maray Somaliland iyo Puntland.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.