Daawo Saraakiil ku soo tabobbartay Talyaaniga oo Waran-cadde dafiray, UCID-na fadeexad ka dhgiay

Roma(Aftahannews):- Akhristayaal iyo daawadayaal waxaannu halkan Aftahannews.com and TV, idiinku soo gudbinaynaa muuqaal laga duubay tabobbar Saraakiil ka kala tirsan Ciidammada Booliska Somaliland, Maamul-goboleedka Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo tabobbar ku qaatay waddanka Talyaaniga, isla markaana ay Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland mixnadeeyeen una yeeleen wejiga ay lahayd arrintaasi mid ka duwan.

Arrintan Saraakiisha tabobbarka ku soo qaatay waddanka Talyaaniga, ayaa muran xooggan ka dhex abuurtay Asxaabta Siyaasadda iyo Xukuumadda Somaliland maalmihii la soo dhaafay, hase yeeshee Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland wuu dafiray jiriraanka Askarta tabobbarka loogu diray Talyaaniga, ka dib markii Xisbiga UCID arrintan ku eeddeeyay Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde.

Haddaba, waxa noo suurto gashay inaannu helno Muuqaalka Xafladda Xisbiga UCID ku soo bandhigay Muuqaalka kooban oo dhamaystiran, taasoo uu La-taliyaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya tafaasiil kaga bixinayo meelaha ay ka kala yimaaddeen Saraakiisha tabobbarka ku soo qaatay Talyaaniga.

La-taliyaha ayaa Odhanaya; “Askartan waxay ka kala yimaaddeen Muqdisho, Puntland iyo Somaliland.” dhawaaqaas oo marka si caafimaad-qabta loo eego darajo u ah Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale Muuqaalkan waxa laga arkayaa Askar billado la guddoonsiinayo oo qaarkood wejiyadooda la garanayo, kana mida kuwa Xisbiga UCID wajiyaddooda calaamadsaday.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID ayaa sheegay maanta “waxaanu haynaa in Askarta Talyaaniga lagu soo tababaray Saami isleeg laga siiyay Somaliland iyo Puntland”ayuu yidhi Yuusuf Kayse.

Hase-yeeshee, marka la is-barbar-dhigo, isla markaala meel la isugu minguuriyo doodda labada dhinac ee Somaliland ee Mucaaradka iyo Xukuumaddu ka qabaan arrintan Wasiir Waran-cadde iyo Taliyaha B0oliska, ayaa dhex-fadhiya Faddeexad, sababta ay taa ku mutaysanayaanna waxay noqonaysaa waxay dafireen wax aan turxaani ku jirin maaddaama oo ay Askartu aqoon-korodhsi u tegeen Talyaaniga oo xarafka aqooneed ee ay soo bartaan wax tar u noqonayo Qaranka Somaliland.

Waa markii ugu horraysay ee inta la ogyahay Ciidammo ka kala socda Somaliland iyo Somalia goob lagu wada tabobbaro, 23-ka sannadood ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay, isla markaana dal iyo dawlad gooni ah oo ka madax-bannaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ay ahayd, taasoo ay Asxaabta Mucaaridku ku tilmaamayaan arrin dhaawac ku ah Qarannimada iyo gooni-isutaagga waddanka Somaliland.

Halkan ka Daawo Xaflada oo dhamaystiran:-

.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.