“Farmaajo Waxaan Ku Cadaadiyey Inuu Ka Laabto Kiiska Badda”Kyle

Nairobi (Aftahannews) – Waxaa soo xoogaysanaya tuhunka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay islamarkaana raali ka ahayd in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), kadib sir uu shaaca ka qaaday safiirka Maryekanka u fadhiya Kenya.

Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda.

“Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka.Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yidhi safiirka.Kyle McCarter ayaa sheegay inuu Farmaajo iyo Uhuru u sheegay in caqabadda ugu weyn ee labada dal haysata ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab.Waxa uu sidoo kale yidhi “Madaxweyne Kenyatta waxa uu sameynayaa wax kasta oo uu awoodo, waana si wadi doonnaa dadaalladeena, si arrintan loo xaliyo.”

Safiirka Mareykanka ma sheegin in madaxweyne Farmaajo aqbalay codsigiisa ah in kiiska lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda iyo in kale, hase yeeshee arrintan waxay muujineysaa inay wax ka jiri karaan walaacyadii la qabay.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo aqoonyahannada qaar ayaa rumeysan in dowladda ogolaatay in kiiska dib loo dhigo, balse dowladda Soomaaliya way diiday inay eedeymhaas ka jawaabto.

Sidoo kale, dolwadda Soomaaliya ma aysan shaacin safarka safiirka Mareykanka Kyle McCarter ee Muqdisho, lagamana war-hayn ka hor wareysigan uu bixiyey.

Dhibaatada ugu weyn iyo walaaca shacabka Soomaaliyeed ka haysta kiiska badda ayaa inta badan ah aamusnaanta iyo hufnaan la’aanta dowladda Soomaaliya, ayaga oo inta badan isku halleeyaa ilo-wareedyada dibedda ah, oo markii ay shaaciyaan arrimaha ay qarineyo dowladda Soomaaliya, ay kadib dowladda banaanka timaado.