Ismaaciil Buubaa Muxuu ka yidhi Guddiga Farmaajo u Magacaabay Wadahadalka Somaliland?

Hargeysa(aftahannews):- Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa ka hadlay Guddiga uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay diyaarinta qorshaha dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadalka Somaliland iyo Federaalka, taas oo ay Somaliland ku gacan-saydhay shalay oo ahayd maalin ka dib markii uu magacaabay.

Ismaaciil Buubaa, waxa uu sheegay in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagama maarmaan yahay, isla markaana Guddigaasi tahay mid dowladda Soomaaliya u diyaarinaysa qaabka wadahadalku u dhici doono, suuragalna ay tahay inay Xubnaha guddigu xubno ka noqdaan guddiga wadahadalka u meteli doonta Soomaaliya iyo inaan lagu soo darin labadabu ay dhici karaan.

Buubaa waxa uu sheegay in Somaliland looga baahan yahay inay dhinaceeda isu diyaariso wadahadalka qaabka ay u wajihi doonto, hase-yeeshee, loo baahan yahay in la wadahadlo, wadahadalkuna aanu waxba dhinacna ka xumaynayn.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka hadlaya Guddigaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.