Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Si Farshaxnimo Leh U Weeraray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

????????????????????????????????????

Hargeysa(Aftahannews) – Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka mid Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye  ayaa waxa uu si farshaxanimo ah u weeraray Maaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo soo bandhigay sheeko duurxul ah oo laga dheehan karayo inay si toos ah ugu socoto Muuse Biixi iyo Hanaankiisa Hogaamineed, isagoo sidoo kalena sheekaddan laga dhandhansanayo Siyaasadii Qori iskugu dhiibka ahayd ee uu Siilaanyo uga dhaxlay hogaaminta dalka.

Siyaasi Jamaal ayaa waxa sheekadan duur-xulka ah uu ku dhaliilayay qaabka uu Madaxweyne Biixi ku hogaaminayo dalka.

????????????????????????????????????

Halkan hoose ka akhriso Sheekadan duur-xulka ah ee uu bogiisa Facebookga ku soo qorey Siyaasi Jamaal Cali Xuseen:

“Beri baa waxaa jiray nin Darawal ahaa oo Baabuur weyn Oo uu in badan xoogsanaayey oo uu lahaa, ayaa wadadii uu mari jiray meel fig ama dalacad ahayd, kolka uu figtaa marayo ayuu ninkaa Darawalka ahi ooyi jiray.

Berigii danbe ayaa kirishbooygii ka bartay gaadhiga sida loo kaxeeyo, hadda waa Kirishboygii sanadaha la socday oo uu isagii gaadhigii la wareegay Oo darawal isna ka noqday. Kolkuu baabuurkii kaxeeyey kirishbooygii ayaa figtii darawlkii baray ee uu ku ooyi jiray ayuu isna kolka uu marayo ayeey bahal oohin ah oo tii darawalkii hore ka badani ka timid isna Kirishbooygii imika Darawalnimadda la wareegay.

Dadkii baa Ilaahay yaab u keenay. Kuwii shidhka saarnaa ee la socday ayaa weydiiyey iyagoo ku leh ” waar maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu yidhi: ” Ninkii bahalka i baray( Darawlkii hore) ayaa halkaa kolkuu marayo ooyi jiray.” Dadkii mid ka mid ahaa oo ragga yaqaaanay ayaa yidhi; ” Waar hebeloow Darawalkii hore da’ baa heshay Oo wuu itaal gabaye, adigu sowdigii noo faani jiray maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu intuu yara qoslay yidhi; ” Oo Ma run baad Iga moodeen, sidii uun baan kolkaan dalacadaasi marayo oohini i qabanaysaa, amar Ilaahay!!”.