Guddoomiye Cirro oo Jawaab kulul ka bixiyay eedihii Madaxwayne Muuse Biixi u soo jeediyay

BRISTOL (Aftahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa jawaaab adag ka bixiyay eedihii Madaxwayne Muuse Biixi u jeediyay,Waxaanu ayaan daro ku tilmaamay in uu toban bilood ka dib yidhaa Waddani muu tanaasulin oo hadalkii ayaan dib u dhagaystay.

Sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa shaaciyay in dalka Xisbiga Waddani masuuliyadi ka saran tahay oo hadii Madaxwaynuhu xilkiisa gudan waayo ay qabanayaan shir qaran.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka