Dugsiyada Salaama oo Munaasibad laysku arkay ku Maamuustay Ardayda guulaysatay ee ay Turkiga u dirayaan iyo Furitaanka Dugsiga Sannadka

DUGSIYADA SALAAMA OO XAFLAD LAYSKU ARKAY ARDAYDA U QABTAY 2018
DUGSIYADA SALAAMA OO XAFLAD LAYSKU ARKAY ARDAYDA U QABTAY 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Maamulka, Masuuliyiinta iyo Macallimiinta Dugsiyada Salaama, ayaa magaalada Hargeysa Munaasibad laysku arkay ugu sameeyey Arday Deeqo waxbarasho dalka dibeddiisa ka heshay oo Kaalmo sare ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Fasallada afraad ee Dugsiyada Sare ee Somaliland oo Salaama Arday door ah ku lahayd iyo Furitaanka Sannad-dugsiyeedka 2018 illaa 2019.

DUGSIYADA SALAAMA OO XAFLAD LAYSKU ARKAY ARDAYDA U QABTAY 2018
DUGSIYADA SALAAMA OO XAFLAD LAYSKU ARKAY ARDAYDA U QABTAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa Munaasibadaha isbarkan ee Dugsiyada Salaama ku sameeyeen magaalada Hargeysa ka qaybgalay Wasiirro, Xubno Asxaabta Siyaasadda ka socday, Waalidiiin, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Salaama iyo Ardayda Safka hore imtixaanka ka gashay ee Waxbarashada dibedeed Salaama SCHOOLIS u dirayaan dalka dibeddiisa iyo Marti-sharaf kale.

Haddaba, Maamulaha guud ee Dugsiyada Salaama Nuur Faarax Xuseen, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka Munaasibadahan ay Bahda Salaama u qabteen, waxaanu sheegay in lagu maamuusayo sagaashan arday oo kaalmaha hore ka galay Imtixaanaadka Dugsiyada Salaama iyo labadii Arday ee Salaama dhiganayey ee ka midka noqday Tobankii Arday ee ugu sarreeyey Imtixaanka guud ee Somaliland oo dhan ee Dugsiyada sare.

Waxaa iyaguna halkaas dareenkooda ka hadlay Ardayda Waxbarashada dibedda ah u baxaysa, Waalidiinta Ardayda, Masuuliyiinta dawladda ka socday iyo Marti-sharaf kale, waxaanannu hadalladii kala duwanaa ee Munaasibaddaa laga jeediyey idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.