Itoobiya oo dib u furtay safaaraddeedii Eritrea

Asmara (Aftahannews)- Dawladda Itoobiya ayaa waxa ay maanta dib u furatay safaaraddii ay ku lahaan jirtay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, taas oo ah tallaabadii u dambaysay ee ay dib ugu haggaajinayso xidhiidhkii labaatanka sano xumaa.

Munaasabbada dib loogu furayay safaaradda waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Erirtea Isaias Afwerki iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ilaa iyo hadda ma cadda wakhtiga ciidammada Itoobiya ay ka baxayaan dhulka xadka ku yaalla ee lagu muransan yahyay, kaas oo qayb wayn ka ahaa heshiiskii nabadda ee dhawaan la gaadhay.

 

Source: BBC Somali