Marwo Aamina-Waris oo Sheegtay in lagu qasban yahay Kuraasta Kootada Haweenka: Daawo Sawirrada Xuska

Hargeysa(Aftahannews):- Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa ka qaybgashay mid ka mid ah Munaasibado maanta illaa caawa loogu dabbaal-degayey Xuska maalinta Haweenka ee 8-March.

IMG_0129-1

Munaasibaddaas oo caawa lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayey Marwadu ka sheegtay in Kuraasta Golayaasha Baarlamaanka ee la doonayo in Haweenka Kooto ahaan looga siiyo inay tahay arrin aan la isdiidsiin karin oo lagu khasban yahay.

Marwo Aamina-Wasir, waxay xuska siddeedda Maarso awgeed Hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaanba Haween-weynaha caalamka, gaar ahaan Dumarka reer Somaliland oo Illaahay uga bariday inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo, nabad, horumar iyo iskaashi.

Halkan hoose ka dhegayso Codka Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaysa arrimahaas iyo kuwo kale-ba.


IMG_0102 IMG_0115 IMG_0129-1 IMG_0139-2 IMG_0163 IMG_0164-1 IMG_0167 IMG_0172 IMG_0178 IMG_0181 IMG_0188 IMG_0189 IMG_0191 IMG_0194 MM RFDGDG

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.