Dhegayso: Maxamed M. Abees iyo Shugri Xariir oo Sharraxaya Doorka Maanta iyo Higsiga Brrri ee Haweenka

Hargeysa(Radio Aftahan)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Muuse Abees iyo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa si faahfaahsan uga hadlay doorka Haweenka Somaliland, Higsiga ay leeyihiin iyo Saamiga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo laga siiyey iyo weliba halganka hadhay ee u baahan inay waajahaan si ay horumar dhinaca ka qaybqaadashada talada waddanka iyo doorka siyaasiga ah ee loo baahan yahay ay u gaadhaan.

IMG_0191

DSC06574

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland waxay sidaa ku sheegeen khudbado ay ka jeediyeen Munaasibad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee Haweenka adduunka ee 8-March oo maanta Munaasibad lagu xusayo lagu qabtay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.

Haddaba, si aad hadallada nuxurka leh ee labada Masuul oo si qoto dheer u sharraxaya arrimahaas uga bogato guji halkan hoose ee Radio Aftahan ee Aftahannews.com oo aannu idiinku soo baahinnayno bartan. guji oo daar ama rogo codka Wasiirradaas.

Aftahannews.com

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.