Munaasibado lagu Xusayey Maalinta Haweenka oo Hargeysa Lagu qabtay iyo Doorka Wasaaradda Shaqada iyo Bulshada

Hargeysa(Aftahannews):- Xuska Maalinta caalamiga ah ee Haween-waynaha dunida, ayaa maanta si heer-sare ah looga xusay dalka Somaliland guud ahaan, gaar ahaan waxa Munaasibad si fiican loo soo agaasimay oo loogu dabbaal-degayo 8-da March oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland lagu qabta Caasimadda Hargeysa.

DSC06509 DSC06514 DSC06520 DSC06523 DSC06533 DSC06541 DSC06574 DSC06577 DSC06578 DSC06581 DSC06506

Maalinta Haweenka addoonka oo loo aqoonsaday 8-da March, ayaa sannad kasta laga xusaa Somaliland, isla markaana Munaasibadda ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo lagu qabtay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qayb-galay Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiiru-dawlayaasha Wasaaradaha Madaxtooyada, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Agaasimaha guud ee Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Madaxa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada, Masuuliyiinta Dalladda Ururrada Haweenka ee NAGAAD, Ururka Haweenka Qaranka ee NAW, Saraakiil ka socday Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan, Haween Ajaanib ah iyo Haween kale oo tiro badan.

Xuskaas waxa hadallo ka jeediyey Masuuliyiinta Ururrada Haweenka, Haya’daha Caalamiga ah iyo Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo weliba Xubnaha ka socday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo dhammaantood Hambalyo iyo bogaadin u diray Haween-waynaha Caalamka, gaar ahaan Haweenka reer Somaliland oo ay Illaahay uga rejeeyeen inuu sannadkan sannadkiisa badhaadhe, barwaaqo, farxad, midnimo iyo horumar ka sarreeya heerka ay maanta joogaan ku gaadhaan.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland AXmed Nuur Faahiye oo ka mid ahaa Musuuliyiintii Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa Hambalyada Haweenka ee 8-da March ka sokow, waxa uu sheegay inay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland tusaale u tahay hay’adaha dawliga ah, isaga oo sheegay in Wasiirka, Afar Agaasime-Waaxeed iyo shaqaale tiro badan oo wada Haween ahi ka hawlgalaan Wasaaraddaas.

“Annagu Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare haddaannu nahay Wasiirka oo noogu sarreeyaa waa Haweenay, Afar Agaasime Waaxeed oo ay Wasaaraddu leedahay waa Haween, Hablo badan oo Shaqaale ah baa ka hawlgala Wasaaradda Waxbarashada, saddex boqol iyo konton Macallin baannu qoronnay, 150 ka tirsan waxaannu ka dhignay Haween, markaa waxa kuu muuqanaysa doorka Haweenku ku leeyihiin Xukuumadda talada haysa oo aan odhan karo Wasaaradda Waxbarashadu hormuud bay u tahay in dumarka talada laga qaybiyo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye.

Sidoo Kale, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in waxa laga doodayaa ee Haweenka ka dhimani yahay hal qodob oo uu sheegay inuu Madaxweynaha Somalialnd Md. Axmed-Siilaanyo meel-mariyey, hase-yeeshee looga fadhiyo hirgelintiisa cidda ay ku hadhay oo Haweenku ka mid yihiin, isaga oo gaadhsiiyey Haweenka Salaan uu sheegay inuu uga sido Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa maalintan darteed. “Waxa Biyo-kama-dhibcaan ah duruuftan aynu maanta dhawr iyo labaatanka sano ku soo jirnay Cidda dadka haysay, ee quudinaysay, ee wax taraysay, ee Iskuul geynaysay, ee dhoofinaysay ee dhakhtar geynaysay waynu ognahay inay tahay Haween, Guriga maanta si wanaagsan looga qadeeyo Dumar ayuun baa gacanta sare leh.” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadu.

“Anigu kollay ma waafaqsani qolada tidhaahda waxbaa la xaqiraa, waayo? Maxaaba la xaqiri waaba Hooyee? Ninkii intaa garan-waaya wax u sii dhaafaya oo la weydiinayaaba ma jiro. Waxaan-se leeyahay waxyaabaha la isku haystaa maaha taas, ee waxa weeye Barnaamijka Saaxadda Siyaasiga ah. Saacadda Siyaasiga ah haddaan ku soo dhawaanno Xukuumadda aannu ka tirsannahay ee Xisbiga KULMIYE ballan-qaadyadii ay samaysay intoodii badnayd inay fulisay.” Sidaa ayuu ydiih Maxamed Muuse Abees.

Waxaanu intaa sii raaciyey oo uu yidhi; “Kuraastii Golaha Wasiirrada waynu arkaynaa, Agaasime-waaxeedyadii waynu maqlaynay, qodobka meesha yaallaa waxa weeye qodob annaga naloo tiriyo se aan annaga nagu xidhnayn oo aannu soo jeedinnay oo ah ka Kootada, kaasina waxa uu dhex-yaallaa Golaha Baarlamanka, waannu ula simannahay. Laakiin, annagu waxaannu leenahay dedaalkeeda in Dumarka la siiyo Kuraas kooto ah, Madaxweynuhuna mar iyo lababa wuu soo jeediyey, waxaan leeyahay dhinacayaga way ka soo baxaysaaye dhiniciinna Haween ahaan inaad u diyaar-garawdaan weeye oo aad daba-gashaan.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil o khudbad dheer ka jeedisay Xafladdaas, ayaa sheegtay inay Maalin weyn tahay 8-da March, waxaanay ka sheekaysay taariikhda ay maalintani leedahay. Waxaanay Hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaanba Haween-weynaha Somaliland meelkasta oo ay joogaan oo ay u rejaysay inay sannadkan sannadkiisa horumar, wada-jir iyo derajooyin badan ku gaadhaan.

Waxaanay Wasiir Ku-xigeen Shugri Xariir oo 8 March sharraxaysaa tidhi; “Haddaan dib ugu noqdo taariikhda maalinta waa maalin caalami ah, dadka qaar waxay u haystaan inay tahay maalin uu sameeyey Rajiimkii Siyaad Barre, maaha. Waxa loo baahan yahay dadkeennu inay maskaxda ku hayaan inay maalintani tahay maalin caalami ah oo aynu la wadaagayno Haweenka adduunka, sababta ay ku timina tahay in la sugo xuquuqaadka gaarka ah ee ay Haweenku leeyihiin. Shirkii ugu weynaa ee lagu qabtay magaalada Koben-hegan sannadkii 1945-kii ee ay ka soo qaybgaleen Shaqaale weynaha adduunka, ayaan maalintanna lagu aqoonsaday.”

“Dal waliba lab iyo dheddig wuu u baahan yahay, dalkeennuna wuxu ka mid yahay dalalka caalamka ee ay dheddiga iyo labku wada-shaqaynayaan ee ay is-tabantaabiyaan, waynu is-taban-taabinnaaye, waxaynu jecelnahay inaynu wax qarinno, laakiin qarin maynee waynu soo saaraynaa, waxaynu leenahay dumarku waxaasay ku wanaagsan yihiin ee ha qabtaan, Raggu waxaasay ku wanaagsan yihiine ha qabtaan.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland.

Waxaanay Wasiir Ku-xigeenku intaa ku sii ladhay oo tidhi; “Maanta waxaynu ognahay inay boqolkiiba shan iyo labaatan siiso Haweenka reer Somaliland kana qayb-geliso talada dalka iyo hannaanka dhaqan dhaqaale ee dalka, waxaynu ognahay inaynu leenahay afar Wasiir oo aan weligeed hore u dhicin, waxaynu ognahay toban Gabdhood inay innoogu soo baxeen doorashadii Golayaasha deegaanka, waxaynu ognahay in laga fikiray daryeelka caafimaadka hooyada oo ah waxa ugu muhiimsan….waxaynu ognahay Ciidammadii derajada la siiyey Habluhu inay safka hore ka galeen derajadii la bixiyey…….”

“Waxa muuqata in Xukuumadda iyo Madaxweynaha ay ka go’antay in Haweenka aqoontooda iyo kobocooda kor loo qaado oo Xooggooda iyo Maskaxdooda laga faa’iidaysto, waxa nasiib-wanaag ah oo aynu ku faanaynaa Madaxweynaha maanta joogaa waa Madaxweyne u soo halgamay waddankan oo garanaya kaalinta Haweenku ay ku lahaayeen Halgankii, Madaxweyne garanaya Haweenka la’aantood inaanay waxba qabsoomaynin.” Sidaa ayey tidhi Marwo Shugri Xariir, waxaanay soo jeedisay in Haweenkana looga baahan yahay inay horumarka, midnimada, wada-jirka iyo nabadgelyada ka shaqeeyaan oo ay dhinacooda qabtaan wax kasta oo dani ugu jrito dalka iyo dadka Somaliland.

Isla Xuska Munaasibaddan Maanta waxay Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ay Weheliyaan Masuuliyiinta Ururka Haweenka Qaranka ee NAW iyo Madaxa Xafiiska Sama-falka Madaxtooyada ay Deeq Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo Saliid isugu jirta gaadhsiiyeen qaybta Dhimirka ee Cusbtiaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin goob lagu xannaaneeyo Naafadii SNM oo ku yaalla qaybaha magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland dabbaal-degga Maalinta Haweenka awgeed.

Sidoo kale, Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa caawa lagu qabtay Xaflad taa maanta la mid ah oo lagu xusayey Maalinta Haweenka ee sidddeeda March, taasoo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin, Marti-sharaf iyo Marwooyin tiro badan oo u dabbaal-degayey Xuska maalintan. Waxaana Munaasibadahaas ay Kooxda Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ee SOCSA ku soo bandhigeen Ciyaaro-dhaqameed iyo Heeso Waddani ah oo dadka ka qaybgalay badi u bogeen ama jeclaysteen.

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.