Madaxweynaha Puntland oo dhaqan-geliyey Barnaamijka la-dagaallanka Gudniinka Fircooniga ah

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa gelinkii dambe ee maanta qalinka ku duugay dhaqan-galka Barnaamij lagula dagaallamayo Gudniinka Fircooniga ee Gabdhaha lagula kaco.

640x480x328-1024x1024.jpg.pagespeed.ic.Wdp0BnV75K

640x480xraxan1-1024x1024.jpg.pagespeed.ic.YOLb3I0xZ3

Kulan uu Madaxweyne Gaas ku saxeexay dhaqan-galka la-dagaallanka Gudniinka Fircooniga ah oo Diin ahaan iyo Aadame ahaanba ka hor-imanaya ee Gabdhaha lagu sameeyo oo Caafimaad ahaanna dhib badan ay Haweenku ka dhaxlaan, waxaa goob-joog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Qoyska iyo Haweenka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas, ayaa caddeeyey in uu Qalinka ku duugay la-dagaallanka Gudniinka Xun xun ee Hablaha lagu sameeyo, kav dib markii uu arrintaasi la kaashaday Golaha Wasiirrada iyo Culimada waa wayn ee Puntland, wuxuu dhankiisa ku baaqay in la cidhib-tiro Gudniinka Haweenka ee Fircooniga ah oo ka sii jooga Caado hore.

Madaxda Wasaaradda Haweenka, ayaa aad uga Mahad-celshay saxeexa uu ku dhaqan-geliyey Madaxweynaha Puntland Barnaamijkaas iyo in la guda-galo la-dagaallanka Gudniinka Xun, iyagoo sheegay in wax walba ay ka hormarin doonaan Badbaadinta Malaayiin Dumar ah oo ay sheegeen in sannad kasta jidhkooda la jarjaro iyada oo aan la fahamsanayn dhibaatada uu Haweenka u leeyahay iyo Diiniyan sida uu xaaraanta u yahay Fircoonigu.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxa uu siddeedda Bishan March oo maanta ku beegnayd oo loo aqoonsaday Maalinta Haweenka Caalamka uu Hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan Haweenka caalamka, gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed, khaasatan Dumarka reer Puntland, waxaanu Illaahay uga beryey inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo, nabad, barwaaqo, farxad iyo inay Midnimo iyo Wax-tar ku gaadhaan.

Aftahannews.com

Aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.