Maxaa loogu magac-daray Xuska Maalinta Haweenka Caalamka ee 8-da March oo Somaliland laga Xusay?

Hargeysa(Aftahannews):- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa waxa maanta laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee haweenka, taasi oo sanad walba adduunka laga xuso 8-da bisha March.

Xuskan oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ay ka mid yahay  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Somaliland iyo masuuliyiin kale ayaa waxa lagu soo bandhigay caqabadaha hor yaala horumar ay dhanka doorashooyinka ka gaadhaan haweenka Somaliland, waxaana halkaasi laga soo jeediyey baaqyo faro badan oo la xidhiidha sidii haweenka looga taageeri lahaa inay doorkooda ka helaan doorashooyinka.

Xuskaas oo laga xusay Magaalooyin kale oo Somaliland ah, ayaa waxa iyaduna war-saxaafadeed ay xuskan ugu talo-gashay soo saartay xarunta xuquuqal iinsaanka ee Hargeysa (Hargeysa Human Rights Center), waxaanu war-saxaafadeedkoodu u dhignaa sidan:- “Haweenku waxay maanta adduunka oo dhan xusayaan 8 March si ay u muujiyaan halganka ay ugu jiraan xoriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka awgeed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda iyo dadka reer Somaliland inay si xoogan uga hortagaan tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sinaan la’aanta. Xuska maanta awgeed aan la dareeno xanuunka iyo murugada haysata haween badan oo reer Somaliland ah oo dhibanayaal u ah gudniin fircooni ah, kufsi, tacadiyada ka dhaca guryaha iyo noocyada kale ee tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

 Faragelinta hogaamiye qabiileedku ku hayaan dacwadaha kufsiga ah waxay weli ku tahay caqabad weyn inay helaan caddaalad dhibanayaasha guud ahaan tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo kufsiga gaar ahaan.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dareenka shacabka ku soo jeedinaysaa xuquuqda siyaasiga ah ee haweenka. Xaruntu waxay mar kale ku adkaynaysaa xisbiyada siyaasadda, baarlamaanka iyo dawladda inay si buuxda u taageeraan in kuraas gaar ah loo qoondeeyo haweenka doorashooyinka soo socda ee 2015ka. Kuraas si gaar ah loogu qoondeeyo haweenka waxay kor u qaadi doontaa ka qaybgalka siyaasadeed ee haweenka.

 Hal-ku-dhegga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenku waa “Sinaanta Haweenku waxay u tahay horumar dadka oo dhan”. In tan la xaqiijiyaa waxay u baahan tahay rabitaan siyaasadeed iyo ka go’naansho.

Dastuurka Somaliland wuxuu u damaanad qaaday sinaan dhamaan muwaadiniinta oo dhan iyada oo aan la eegayn midabka, qabiilka, dhalashada, rag iyo dumar, hantida meeqaamka, aragtida IWM.

Fursadaha shaqo ee goobaha gaarka loo leeyahay waa in haweenka laga siiyaa fursad la siman ta ragga, islamarkaana haweenka guryaha ka shaqeeyaa waa inay helaan xuquuqda shaqo ee uu bixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah.”

 Mulaho Mohamed Ali

 Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

 Hargeisa Somaliland.