Xeer-ilaalint oo sharraxday Eedaha 7 Ruux oo loo haysto Dilkii Ruqiya oo Maanta Maxkamadda la hor-geeyey?

Hargeysa(Aftahannews):- Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Axmed Cismaan Mire, ayaa sheegay in Maxkamadda gobolku sharciyeysay xadhigga muddo toddobaad ah oo baadhista kiiskoodu sii socoto toddoba eedaysane oo u xidhan dilka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo Meydkeeda laga soo saaray god laga qoday deyrka guri ku yaalla Bariga magaalada Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay la dilay 24-kii bishii Febraayo ee inna dhaaftay.

Sawirka-Xeer-ilaaliyaha-1

Xeer-ilaaliyaha gobolka Hargeysa oo maanta Warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee Maxkamadda gobolka Hargeysa oo saaka la horgeeyey toddobada eedaysane ee kiiska dilka Haweenaydaas u xidhan, ayaa sheegay in Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa rummaan-garaysay toddobada eedaysane ee saaka la hor-geeyey, isla markaana ay dalbatay in la de-dejiyo baadhista kiiskooda.

 “Kiiskaasi waa mid warkiisu cad yahay waana mid aad u fool-xun oo jariimad ah, waana hab aynaan dhaqan u lahayn  oo innagu cusub, waana lagu guulaystay dadkii falkaas ku eedaysnaana maanta ayaa la horkeenay Garsoorka, waxaana Garsoorka loo gudbiyey eedayntii ugu horraysay ee Booliska.” Sidaa ayuu yidhi Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Marood-jeex.

Xeer-ilaaliye Axmed Cismaan Mire oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa, kiiskaas waa la rumaan-gareeyey oo Maxkamaddii awoodda u lahayd way  rumaan-garaysay in si deg-deg ah loo qaado, annagana Booliska, ayaa noo keenay, annaguna Maxkamadda ayaannu hor-geynay.”

Mar uu Xeer-ilaaliyaha la weydiiyey qodobbada loo cuskaday toddobada eedaysane ee saaka Maxkamadda gobolka Hargeysa la hor-geeyey, waxa uu ku jawaabay; “Dadka ku eedaysan inay dilkii Marxuumadda tooska u geysteen waxay ku eedaysan yihiin qodobbada 434 oo lala akhrinayo  qodobka 71 ee Xeerka Ciqaabta guud.”

Axmed Cismaan Mire oo jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey sii wataa waxa uu yidhi; “Dad aan wali warkoodu caddayn  oo gacan-siin ku eedaysan ayaa jira, kuwaasoo uu hayo qodobka 297 Xeerka Ciqaabta guud haddii ay ku caddaato haddii kale-na ay xorriyaddooda heli doonaan, Dadka eedaysani waa todoba qof oo ah wixii fal danbiyeedkaasi ku raad yeeshay ee ilaa imika la ogaaday ee la helay ayuunbaana eedaysan.”

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa aad ugu dheg-taagaya waxay Hay’adaha Garsoorka Somaliland ka yeeli doonaan dadka ku eedaysan dilka Marxuumad Raaqiya Siciid Ayaanle oo Axaddii toddobaadkii hore Meydkeeda laga helay god laga qoday guri ku yaalla Xaafadda New Hargeysa ee degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay degganaayeen qos ay ka xidhan yihiin lix qof oo isugu jira Hooyo Muuna Maxamed Cabdillaahi oo ah eedaysanaha koowaad ee kiiskan, laba Wiil iyo laba Gabdhood oo ay dhashay iyo Saygeeda.

Cabdifataax I. Mursal

marmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.