Tirada Dad ku eedaysan dilka Gabadh Meydkeeda God laga helay oo Maanta Maxkamadda Hargeysa la horgeeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa, ayaa maanta la hor geeyey eedaysanayaasha ku eedaysan  dil loo gaystay  Allaah ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo Axaddii toddobaadkii hore Meydkeeda laga helay god laga qoday guri ku yaalla Bariga magaalada Hargeysa oo lagu riday ka dib markii la dilay.

maxkamadda

Eedaysanayaasha oo ka kooban toddoba xubnood oo qaarkood dilka ku eedaysan yihiin kuwona gacan-siinta dilkaas ku eedaysan yihiin, ayaa Maxkamadda la horgeeyey markii koowaad, kuwaasoo ay Maxkamaddu u jartay toddoba cisho oo rummaan ah, isla markaana dalbatay in la dedejiyo baadhista kiiska eedaysanayaashaas sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha gobolka Hargeysa.

Ammaanka Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), ayaa aad loo adkeeyey saaka, isla markaana markii eedaysanayaashaas la keenay Maxkamadda, looma oggolaan inay Warbaahinta iyo dadweynuhu dhegaystaan waxa ay Maxkamaddu ka leedahay iyo nooca kiiska lagu soo eedeeyey toddobada xubnood ee loo haysto dilka Marxuumad Raaqiya Siciid Ayaanle iyo kuwa ku eedaysan inay gacan ka geysteen dilkeeda.

Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha gobolka Hargeysa Axmed Cismaan Mire, ayaa sheegay in la dedejin doono Baadhista ugu hadhsan kiiskaas oo uu sheegay inay Maxkamaddii awoodda u lahayd Rummaan-garaysay, isla markaana eedaha ay Maxkamadda horgeeyeen ahaayeen eedayntii koowaad ee dhinaca Baadhista Booliska lagu ogaaday, iyaguna Xeer-ilaalin ahaan ay kiiskooda isku hagaajisan doonaan, maaddaama oo sida uu xusay kiiskani yahay mid ku cusub dalka Somaliland.

Kiiskan ay ku eedaysan yihiin toddobada Ruux oo lix ka tirsani yihiin Hooyo, Aabbo iyo Afar Carruur ah oo ay dhaleen oo ah qoyska ehelada Marxuumaddu ay u tirinayaan dilka Inantooda, ka dib markii ay Haweenayda Afarta Dhalinyarta ah dhashay oo lagu magacaabo Muuna Maxamed Cabdillaahi taleefanka gacanta uga yeedhay Ruqiya Siciid Ayaanle oo lacag ku lahayd, markaasna ay cid ugu dambaysay, isla markaana ay Boolisku gacanta ku soo dhigeen iyada oo baxsanaysa oo ay la socdaan laba Wiil oo ay dhashay.

Cabdifataax I. Mursal

marmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.