Dawladda Soomaaliya oo Talooyin ka dhiibatay Xiisadda dalalka Ukraine iyo Ruushka u dhaxaysa

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay ka qayb-qaadato xallinta iyo dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Ukrain iyo Ruushka, waxayna ka digtay faro-gelin Ruushku ku sameeyo Madax-bannaanida waddanka Ukraine.

140302133936__73313036_b19c2306-df1b-42e8-9a8f-c3d1c504dca1

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagaga hadley xaaladda ka taagan dalka Ukraine, ka dib markii ciidamo taageersan dalka Ruushka ay la wareegeen gacanka Crimea ee dhulka Ukraine.

War-saxaafadeedka lagu sheegay in dowladda Federaalku si dhaw xaaladaas ula socoto ishana ugu hayso. Waxayna sheegtay in ay si xoog badan u taagersan tahay in la dhawro xuduudaha iyo madaxbanaanida Ukraine, waxayna ku baqdey in sida ugu dhaqsaha badan loo geeyo Ukraine korjoogayaal la socda xaaladda, kuwaas oo ka socda Beesha Caalamka, gaar ahaan Gobolada Bariga iyo Crimea.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya hoosta ka xariiqeyso haddii ay sii socoto ku xad-gudubka madaxbanaanida Ukraine iyo xuduudaheeda in ay khatar ku tahay nabadgelyada caalamka, taas oo saameyn ku yeelan doonta maqaamka Ruushka uu maanta caalamka ka taagan yahay.

“Haddii aannu nahay Soomaali si fiican ayaan u naqaannaa sida khilaafaadka caynkaas oo kale ah loo xalliyo, waana wadahadal si nabadgelyo ah ku dhisan iyo dib-u-heshiin, waxaanan diyaar u nahay in aan gacan ka geysanno arrima halkaas ka taagan si loo xalliyo.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas.

war-saxaafadeedka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. War-saxaafadeedkan ayaa imanaya labo maalmood ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka guddoomey Waraaqaha Safiir dawladdu Ruushku u soo Magacowday Soomaaliya.

Aftahannews.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.