Trump oo hadana sheegay in ay suurto gal tahay inuu la kulmo Kim Jong-un

Washington(Aftahannews):-  Trump oo hadana sheegay in ay suurto gal

tahay inuu la kulmo Kim Jong-un.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in kulankii uu baajiyey ee uu la yeelan lahaa hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi qabsoomi karko 12-ka Juun.

Warfidieyeenka isaga oo la hadlayey ayaa waxa uu yidhi “waynu arki doonaa waxa dhaca. Wuu dhici karaa kulankaasi 12-ka Juun. Waanu la xidhiidhaynaa imika oo iyaguna kulankaa aad bay u doonayaan sida aan anaguba u doonayno inuu qabsoomo”.

Khamiisktii ayaa kku eedeeyey hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi “cadaawad cad2 oo u u qabo dalkiisa, taasna uu sabab uga dhigay baajinta kulankii uu la yeelan lahaa Kim Jong-un.

Hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya, ayaa isna markii dambe sheegay in uu danaynayo in uu wada xaajood la yeesho Trump “goorta ay doonto iyo sida uu doonoba ha noqdee”.

Wasiir ku xigeenka Kuuriyada Woqooyi, Kim Kye-gwan, ayaa sheegay in go’aanka Trump ku baajiyey kulanki qorshaysnaa uu yahay arrin “aad looga murugoodo”.

Shir madaxeedka oo la filayey inuu ka dhaco dalka Singapore ayaa noqon lahaa kulankii ugu horeeyey ee madaxweyne Maraykan ah oo xilka hayaa fool ka fool u hor fadhiisto hogaamiyahe Kuuriyada Woqooyi leedahay.

Go’aanka Trump waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay dumisay goobtii ay ku tijaabin jirtay nukliyeerka, arrintaas oo loo arkay in ay ahayd farriin dhabbaha u xaadhaysay shir madaxeedkaa haantan la baajiyey ee ka dhici lahaa Singapore.