Soomaali lagu Dhibay Dalka Liibiya oo Muqdisho lagu Qaabbilay & Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay

MAXAABIIS MAGGAFE KA BAXSADAY OO SOOMAALIYA LA KEENAY 2018.jpg

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Federaalka Soomaaliya, ayaa Maanta Muqdisho ku soo dhaweeyey Toban ka tirsan Maxaabiis Soomaaliyeed oo muddo ku dhibaataysnaa waddanka Liibiya oo ay Tahriib ku gaadheen, isla markaana si arxan-darro ah loola dhaqmay intii Maggafayaashu haysteen.

MAXAABIIS MAGGAFE KA BAXSADAY OO SOOMAALIYA LA KEENAY 2018.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubnaha Tobanka Ruux ah oo Rag iyo Dumar isugu jira, waxa lagu qaabbilay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, kuwaas oo qaarkood Farxad la ilmeeyeen markay Muqdisho soo gaadheen, iyaga oo Warbaahinta la wadaagay dhibaatooyinka ay mareen iyo siday ugu faraxsan yihiin inay iyagoo nool dalkooda Hooyo nabad yimaaddaan. Waxa sidoo kale halkaas ka hadlay Masuuliyiin uu Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Xubno kale.

Waxaannu Warbixinta Warkaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya.